DAAWO MUUQAAL:- Bil Kadib Qaraxii Zoobe Waa Sidee Xaaladda?

0

14-kii October qarax ay ku dhinteen in ka badan 300 oo qof, kuna dhaawacmeen kuwo kale ayaa xilli galab ah wuxuu ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Waxaa hadda kasoo wareegtay muddo bil ah, waxaana muuqata raadadkii uu reebay qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan.

Isgoyskan oo kamid ahaa kuwa ugu mashquulka badan ee magaalada Muqdisho ayaan weli soo kabsan, waxaana la dareemayaa saameynta qaraxu uu reebay.

Waxaa hadda dib loo dhisayaa xarumihii ganacsi iyo daarihii ku burburay qaraxaasi.

Ganasigii badnaa ee ka jiray isgoyska Zoobe weli dib uma soo laaban, sababtoo ah qaraxa ayaa dhulka la simay wax walbo oo ka dhawaa Isgoyska.

Dadka ku ganacsada halkaasi waxya kuu sheegayaa in intii naftooda badbaadday ay dib usoo bilaabayaan ganacsigooda, iskuna dayayaan in wax walbo ay kusoo celiyeen sidii hore ee ay ahayd.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka: