Ciidamada Xoogga oo Al-shabaab kala Wareegay Degaano hoostaga Degmada Baraawe

0

Wararka laga helayo Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Maanta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay la wareegeen Degaano Hoos yimaada Magaalada Baraawe oo Xarun u ah Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Saraakiisha hogaamineysa dagaalka ka socda Shabeelaha hoose ayaa sheegay in la dardar galiyay dagaalka lagula jiro  Al shabaab, iyadoo guulo laga gaaray Howlgaladii ugu dambeeyay, waxaana deegaanada ay gacanta ku dhigeen ciidamada xoogga dalka si weyn ugu soo dhaweeyay shacabka ku nool deeganaadaaasi.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa kulan looga hadlayay xoojinta Amniga waxa uu magaalada Baraawe kula yeeshay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooggga dalka iyo kuwa AMISOM.

Si kastaba ha ahaatee Gobolka Shabeelaha hoose waxaa ka socda dagaal xoogan oo Al shabaab looga saarayo  guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin, iyadoo Ciidamada Xoogga iyo  kuwa AMISOM ay hadda wadaan Howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.