AKHRISO: Shacabka Somaliland oo lagu amaanay qabsoomida doorashada Nabdoon

0

Saaxiibada Caalamka ee goobjooga ka ah doorashada Maamulka Somaliland ayaa ku amaanay Shacabka Somaliland sida ay ugu heelan yihiin in Madaxweyne uu yeesho Maamulkaasi.

Warsaxaafadeed ka soo baxay kormeerayaashaasi Caalamiga ah ayaa ugu hambalyeeyay Shacabka in si nabdoon ay u qabsadeen doorashada Maamulka Soomaaliland.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen in Shacabka looga baahan yahay in lagu amaano, islamarkaana lagu dhiira geliyo howsha wanaagsan oo ay qabteen.