AFRICOM Oo 5 Weerar Ka Geysatay Soomaaliya 5tii Maalmood Ee Ugu Dambeysay

Sida ay sheegayaan hoggaanka ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, sanadkan 2017ka waxaa ay ciidamadooda qaadeen weeraro ka badan kuwii sanadkii hore,

Sida afhayeen u hadlay  AFRICOM uu u sheegay  wakaaladda Associated Press,  weerarada Mareykanka ay sanadkan qaadeen waa 26 weerar, 5 ka mid ah waxaa ay qaadeen wixii ka dambeeyay November 9.

Militariga Mareykanka waxaa ay bishan 11-keeda weerar ku qaadeem Al-shabaab, Galgaduud, maalin kadib waxaa ay qaadeen labo weerar, mid ka dhacay Jilib, Basra iyo mid ay ka geysteen Puntland, bariga Soomaaliya.

Mareykanka inta badan waxaa ay qoraalkooda ku sheegaan in weeraradan u qaadaan qaab is-difaacid ah, waana siyaasad cusub oo timid kadib markii la doortay madaxweyne D. Trump.

Bishii March ee sanadkan Trump waxaa uu ogolaaday in ciidamada Mareykanka ay bartil-maameedsan karaan Al-shabaab, isaga oo siiyay awoodo dheeraad ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

SAWIRRO : Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo heshay doon dheereysa oo lagu ilaalinayo socdaalka Xuduudaha badda.
- Nov 17, 2017
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa maanta la wareegtey doon nooca dheereysa ah oo lagu ...
WARBIXIN +SAWIRRO : Mugabe oo fagaaro kasoo muuqday ‘isaga oo mayal adag’
- Nov 17, 2017
Madaxweynaha wali xilka ka raaraca ee Zimbabwe Robert Mugabe ayaa markii ugu horeysay kasoo ...
DHAGEYSO : Wararkii ugu danbeeyay ee Rabshadihii Ka dhacay Hargeysa & burco.
- Nov 17, 2017
Rabshado kala duwan ayaa xalay ka dhacay magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo kuwaas oo ...
Qaramada Midoobay Iyo Soomaaliya Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed
- Nov 17, 2017
Dowladda Soomaliya iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan  dhinaca c aruurta ee UNICEF ayaa ...
Puntland oo Beesha Caalamka ka dalbatay in laga taageero dagaalka Daacish
- Nov 17, 2017
Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays “Dhado” ayaa ka hadlay howlgallada ciidamada Maamulka Puntland ...