Xukuumadda Somalia oo ku amartay Danjirihii Imaaraadka Carabta inuu xilka wareejiyo

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku amartay Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Imaaraadka Carabta C/qaadir Shiikhey inuu xilka wareejiyay, kaddib is bedel lagu sameeyay.

Warqadan oo ku taariikheysneyd 24-kii bishii hore ee October ayaa ka mid aheyd warqado loo kala diray Safiirada illaa 8 dal oo dhowaan la bedelay, hase ahaatee qaarkood la sheegay inay ku gacan seyreen is bedelka.

Bogga Jowhar.com ayaa ogaatay in Danjire C/qaadir Shiikhey uu ka dhega adeegay inuu dalka yimaado, kaddib markii ay u yeertay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku wargelisay Danjire C/qaadir Shiikhey inuu xilka ku wareejiyo Axmed Dahir Maxamed oo noqon doona Siihayaha Safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta

C/qaadir Shiikhey ayaa ka mid ahaa Danjirayaasha ugu cimriga dheeraa oo muddo 10 sano ka badan ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiyay Imaaraadka Carabta, waxaana dowladdihii hore ay ku fashilmeen inay bedelaan Danjirahan oo ka mid ahaa Danjirayaasha ugu awooda badan, gacan saar dhowna la lahaa Imaaraadka Carabta.

Halkan hoose ka akhriso Warqada loo diray Danjire C/qaadir Shiikhey:-