WARBXIN+SAWIRRO : Wafdi ka socday Puntland oo Gaaray Magaaladda Xingalool ee gobolka Sanaag & Xiisado ………………..

0

Wefti kasocda Puntland ayaa maanta gaarey magaalada Xingalool ee gobolka Sanaag, halkaasi oo ay shacabka magaaladaasi kala qayb galeen banaanbaxyo lagu tageerayo Puntland iyo kuwo looga soo horjeedo maamulka Soomaliland.

Weftigan gaadhey magaalada Xingalool ee goblka Hayland ayaa waxaa hogaaminayey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Sucaad Saalax Xaaji Nuur iyo Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-galinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.

Banaabaxa ka dhacay degmada Xingalool ayaa waxaa sidoo kale shacabka Magaaladaasi kala qayb galay Guddoomiyaha gobolka Hayland ee Maamulka Puntland iyo taliyayaasha booliiska ee goboladda Sanaag iyo Hayland – Puntland.

Dadka banaanbaxayay oo lulayay calamada Dowladda Soomaaliyeed iyo calanka Puntland ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo shucuuri ku dheehan tahay kuwaas oo ay kaga soo horjeedaan doorashada Soomaaliland, isla markaana waxa ay muujiyeen taageeradooda ku adaan Puntland, waxana ay ku wareejiyeen masuuliyiinta Puntland ee kala qayb gashay banaanbaxani kaararka codaynta doorashada maamulka Soomaaliland oo hore loo siiyay.

Sidoo kale magaalooyinka Hadaaftimoiyo Ceelbu ee gobolka sanaag ayaa waxaa maanta ka dhacay banaanbaxyo ballaadhan oo looga soo horjeedo doorasho ka dhacaysa maamulka Soomaaliland, waxaana ka qaybgalay kumanaan kun oo qof kuwaas oo aaminsan qadiyaddooda Soomaalinimo iyo tan Puntland-nimo kana soo horjeeda faragelinta qaawan ee Soomaaliland.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Sucaad Saalax Xaaji Nuur ayaa waxay sheegtay in shacabka magaalada Xigalool ay muujiyeen dareenkooda iyo sida aysan raali uga ahayn doorashada maamulka Soomaaliland oo ay ku tilmaamtay mid khasab ah, oo aysan dadku raali ka ahayn.

“Waxaan idiinku hambalyaynayaa sida aad u diideen sanaadiiqdii la idiin keenay oo la doonaayey inaad khasab ku codaysaan, dad aan idiin tirsanayn oo degaankiina u yaqaan magac cuyaal ayaad maanta u muujiseen dareenkiina iyo qadiyaddiina waddaninimo,” ayay tiri Wasiir Sucaad.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-galinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa goobta banaanbaxa ku soo bandhigay kaararkii codaynta ee doorashada Somaliland, kuwaas oo ay ku wareejiyeen Shacabka Magaaladaasi, waxaana uu fariin u diray Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, isagoona sheegay in shacabka reer Sanaag iyo Hayland yihiin dad leh qadiyad, tariikh soo jireen ah, mid geesinimo oo ay iskaga dhiciyaan cadawgooda sida ay horeba taariikhdu u qortay, Isla markaana waxa u nasiib daro ku tilmaamay in Muuse Biixi sheegto waanu hayn oo ah inuu yahay nin talin jiriy, waxaana uu u cadeeyey muumulka Soomaaliland in ay shacabka labadaasi gobol hore iyo haatanba ka tashteen doorashadooda beenta ah ee lagu majara habaabinayo beesha caalamka iyo shacabka rayid ka ah ee maamulkaasi, Waa Siduu Hadalka u Dhagay ee

Soomaaliland Inteeda Kale maanta waxaa si Nabad ah oga qabsoomay Doorashada Madaxweynaha oo Ay u tartamayaan Sadex Musharax, Waxaana Goordhow oo caawa fiidkii ah la soo gaba-gabeeyay Codeyntii Doorashada