War Deg Deg Ah:-Tirinta Codadka Doorashooyinka Soomaaliland Oo Bilaabatay

0

Guddiga Doorashada Somaliland ayaa Goor dhow sheegay in la bilaabay Tirinta Codadkii ay dhiibteen Dadkii Maanta u dareeray Codbixinta Doorashada Madaxweynaha Somaliland,

waxaana soo xirmay Goobihii laga dhiibanayay Codka.

Xarumaha codeynta oo la furay saaka 6-dii aroornimo ayaa la xiray 6-dii maqribnimo. Dadka qaar waxay safafka galeen saacado ka hor intaysan furmin.

In kabadan 700 kun oo codbixiyayaal ayaa codkooda ka dhiibtay ugu yaraan 1,600 oo xarumo codeyn, waxayna kala dooranayeen saddax musharrax oo doonaya in ay bedelaan madaxweynaha xilka baneynaya, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.