TOP DHAGEYSO:-Kenya Oo Ka Walaacsan Amaanka Xuduuda Ay Lawadaagto Soomaaliya

0

Taliyaha Maamulka Mandheera ee gobalka Waqooyi Bari dalka Kenya oo xaafiiskisa kula hadlayay Saxaafada ayaa Hosta kaxariiqay Aamandaro xoogan ay xiligani kataagan tahay Xadka u dhaxeeya dalalka Kenya iyo soomaaliya, Islamarkana waxaa uu sheegay in Al shabab Weeraro joogta ah kasoo qaadaayaan dhanka xadka soomaliya,

Taliyaha ayaa xusey in weerarada Xarakada Al shabab ay ka fuliyaan waadooyinka isku xira Soomaaliya iyo Kenya ay sababtay  Is yaradaan dadkii ku safri jirey wadooyinkaasi oo hadda bilaabay in isticmalaan safari dhanka Cirka intii Awooda sida uu hadalka u dhigay,

Sidokale Taliyaha ayaa sheegay in ku wargaliyeen gadiidka ku safraya Wadooyinka Isku xira Magaalooyinka Mandeera iyo Mooyale ee dalka kenya in aysan Masuul ka ahayn Aamankooda oo aysan damaanad qaadikarin xiligaani,

Mahan markii igu horaysay dowladda Kenya Kenya ay walac kamuujinayso Aamanka wadooyinka isku xira xadka soomaaliya iyo Kenya ayadooona Asbuucaan gudihiisa ay ciidamada Kenya Xanibeen gadiidka ukala gooshayay soomaliya iyo Kenya sababo ay  Aamandaro awgeed

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka