Safiirka Soomaaliya Ee K/Afrika Oo la Shiray Ganacsato Somali Ah

0

Safiirka dowladda somaliya u fadhiya dalka koofurta afrika Jamaal Barow ayaa magaalada Pretoria ee caasimada dalkaasi kula kulmay qaar ka mid ah ganacsada somalida ah ee dhaqanka dalka koofur afrika

Kulankan oo ahaa kii labaad oo ay Safaaradda u qabato qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaalida ayaa loogu hadlayay sidii loo hormarin lahaa ganacsiga Soomaalida iyo sida loo dhisi lahaa Madal ay ku mideysanyihiin Ganacsatada Soomaalida K/Afrika oo ay Safaaradda  ka caawinayso xagga Sharciyada Dalka si loogu midoobo dhibaatooyinka u badan dilalka iyo dhaca ee Soomaalida kala kulmaan burcadda K/Afrikanka.

Qaar ka mid ah Ganacsatada oo ka hadlay madasha ayaa sheegay tallaabadan lagu mideynayo ay tahay mid loo baahanyahay si loo hormariyo ganacsiga Soomaalida oo sanadihii dambe sii yaraanayay,kadib markii ay Soomaali badan dib ugu laabteen dalka qaar kalana  ay barakaceen.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Wadamada Afrika Koonfuureed, Jamal Barrow oo shir Guddoominayay kulanka ayaa sheegay hadii la helo isku duubni ay Safaaraddu ka caawin karto waxyaabah loogu baahdo Dowladda K/Afrika