Qaramada Midoobay oo dib u soo celisay Qaxooti Soomaaliyeed

0

Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in 108,498 Qaxooti Soomaali ah ay Dalka dib ugu soo celisay, kuwaas oo iyagoo aan la qasbin dalbaday in dalkooda ay dib ugu soo noqdaan.

73,934 ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ayaa laga soo celiyay xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee Dalka Kenya halka 33,921 kalena laga soo celiyey xeryo ku yaala Dalka Yemen.

UNHCR ayaa sheegtay in dib u dhac uu ku yimid dib u soo celinta kumanaan kale oo Qaxooti Soomaali ah, kuwaas oo ay saameyn ku yeelatay ammaanka Xadka u dhexeeya Dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa xusay in si ku meel gaar ah u hakiyeen daabulida Qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya sababo la xiriira dhinaca amniga.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in gudaha Soomaaliya ay ku barakaceen  illaa iyo 2 Milyan Soomaali ah, kadib Abaaro iyo Colaado xoogan oo ku dhuftay Dalka,halka dhinaca Dalalka Gobalkana ay Qaxooti ahaan ku joogaan 900,000 oo ruux.

Laanta Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa labadii Sano ee la soo dhaafay waday dib u soo celinta Qaxooti badan oo Soomaali ah, kuwaas oo badankood ka soo laabanayay Dalalka Kenya iyo Yemen.