DHAGEYSO : Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ” Sharciga la ansixiyay ee musuq maasuqa aad ayaan ugu faraxsanahay”

0

Kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Mudanayaasha Golaha SHacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya,ayaa waxaa ay kaga doodeen arrimaha Xisaabxirka Miisaaniyadii Dowladda ee 2015,2016 iyo Hindise Sharciyeedka ladagaalanka Musuq Maasuqa.

Kulankan oo ay yeesheen xildhibaanada waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalak Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Dood kadib ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka waxaa ay ansixiyeen Xisaab Xirka miisaaniyadaha 2015,2016, iyo sidoo kale Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq maasuqa.

Baarlamaanka Soomaaliya aya waxaa horyaala hindise Sharciyeedyo dhowr ah,kuwaasi oo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u gudbisay Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana kamid ah sharciyo muhiim u ah dalka

DHAGEYSO : Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ” Sharciga la ansixiyay ee musuq maasuqa aad ayaan ugu faraxsanahay”