Dhageyso:-Horjoogayaal Kaam oo Eedeyn loo jeediyay

0

Barakacayaal ku dhaqan Kaam ku yaalla duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Siinka Dheer ayaa ka cabanaya Horjoogayaasha Kaamkaasi oo Musuqmaasuqay sida ay sheegeen dadkani lacago ugu soo dhici jiray Moobilladooda.

Dadkani oo ku jira Xerada Al Biri ee Kaamka Marwo aya Bishiiba hay’ad magaceeda ay ku soo gaabiyeen S Y B D waxa ay ka heli jireen Lacag dhan $60 oo qaab EVC-Plus ah ugu soo dhici jirtay.

Waxaana ay tilmmayan in Horjoogayaasha Kaamkaasi Al Biri ay Lacagtoodii ka wareejisteen, islamarkaana ay Musuqmaasuqeen.

Ugu dambeyn dadkani oo danley ah ayaa waxa ay ugu baaqeen madaxda dowladda iyo hay’adda ay quseyso arrintani in ay soo faragaliyaancabashadooda, si wax looga qabto.

Halkana hoose ka dhageyso Codka.