Barakacayaal hor leh oo soo gaaray duleedka Muqdisho

0

Qoysas hor leh oo Barakacayaal ah ayaa maanta soo gaaray Kaamam ku yaalla Xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah dadkaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ka soo Barakaceen deegaano isku xira Degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

Waxaana uu tilmaamay in halkaasi ay ka jirto Xiisado dagaal oo u dhexeysa Al Shabaab iyo ciidanka Dowladda, islamarkaana ay deegaanadii ay daganaayeen isaga soo hayaameen, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaarta gaalladaasi.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda iyo cid walbo oo wax u qaban karto in ay u soo gurmadaan, Qoysaskaasi oo haatan dhibaatooyin ay ku heystaan Duleedka Magaalada Muqdisho.

Deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa waxaa horay ugu sugnaa Qoysas fara badan oo Barakayacaal, kuwaasi oo la daala dhacayo daruufo xaga Nolosha ah, waxaana dadkaasi ay codsanayaan in loo soo gurmado.