TOP DHAGEYSO:- Hirshabeelle oo baaq u dirtay Hay’addaha Caalamka

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa Hay’addaha Caalamka ugu baaqay iney si deg deg ah usoo caawiyaan dadka ku nool goobaha laga cabsi qabo inuu fatahaad ka sameeyo wabiga Shabeelle gaar ahaan degaano ku dhaw magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in degaanada qaar ay ka jiraan cabsi xoogan oo ah in dadka saameyn xoog leh uu ku yeeshay fatahaada.

Waxa uu sheegay in maamulka Hirshabeelle uu diyaar u yahay in uu soo dhaweeyo cid walbo oo taageereyso isla markaana caawineyso dadka reer Hirshabeelle.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in degaanada qaar ee Magaalada Jowhar ku dhaw xaalad halis ah iyo Cabsi ay ka jirto.

Shalay ayaa masuuliyiin uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed waxa ay booqdeen degaanada laga cabsi qabo inuu fatahaada wabiga saameyn ku yeeshay ee ku dhaw Magaalada Jowhar.

HALKAAN KA DHAGEYSO