DHAGEYSO : Wasiirka Warfaafinta oo ka warbixiyay howlgallo ay sameeyeen ciidanka Xoogga Dalka.

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay howlgallda ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee laga fuliyay qaar ka mid ah Gobollada Dalka.

Wasiir Yariisow ayaa xusay in ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa saaxiibada ay howlgallo ka fuliyeen Gobollada Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoos iyo Jubbooyinka ayna jiraan Khasaaro loo geystay maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay qeybo ka mid ah Goboladaasi.

“Howlgallada waxaa garab socda weeraro qorsheysan oo ay fulinayeen hay’adaha amniga, waxaana labo weerar oo gaar ah laga fuliyay degmada Jilib gaar ahaan xarunta qaraxyada, waxaana weeraro loo adeedsaday miinooyin la geliyay xarumahaas, kadibna la qarxiyay, waxaana ka dhashay qasaaro xoog leh,sida ay noo sheegeen Hay’addaha Ammaanka waxaa halkaas lagu dilay 81 maleeshiyo, waxaa kaloo jirtay in jidka loo galay gaadiid dagaal oo ay wateen maleeshiyaadka Al-Shabaab kuwaasi oo doonayay inay falal argagixiso ka geystaan Gobolka Gedo” ayuu yiri Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Mudane Yariisow ayaa ayaa sidoo kale sheegay in Weerarradaasi ciidammada geesiyaasha ah ay qaadeen in lagu burburay Agab badan oo Qaraxyada laga sameeyo, sida TNT, RDX, Potasium Nitrate, sodium nitrate iyo sawaariiq lagu qiyaasay ilaa Laba ton iyo Hub kale oo ay ku jireen Gaadiidka dagaalka, macluumaadka la helay ayaa muujinaya in Jab xooggan ay ku naqdeen weerarraas Al-shabaab lagu qaadey.

Howlgalladan waxaa si taxadar leh u fuliyey ciidammada Soomaaliya oo si nabad ah ugu soo laabtay xarumihii ay ka tageen.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya ayaa markale uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed sida ay u garab taaganyihiin ciidamada qalabka sida, isagoo ku booriyay inay sii labo jibaaraan.

Dhageyso