DHAGEYSO WAREYSI : Madaxweyne Farmaajo oo Xalay Kulan Xasaasi ah La Yeeshay Xildhibanadii Xilka ka qaaday Xaaf iyo ………

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo howlo shaqo u jooga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kulankan oo socday saacad iyo wax ka badan ayaa waxaa looga hadlay xiisada siyaasadeed ee ka taagan degaanada Galmudug, taasi oo u dhaxeysa Madaxda Maamulka iyo xildhibaanada oo laba u kala qeybsamay.

Xildhibaan Yuusuf Axmed Ciyow oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Madaxweynaha ay kala hadleen xilkaqaadistii ay ku sameeyeen Madaxweyne (Xaaf) iyo wadada ay u mareen, wuxuuna tilmaamay inuu jiri doono kulan kale oo isku soo laabasho ah.

Wuxuu sheegay xildhibaanka in Madaxweynaha Soomaaliya uu u soo jeediyay xildhibaanada in xiisada Galmudug laga galo dib u heshiisiin, balse taasi ay ka dhega fureysteen oo ay sheegeen in ay ku taagan yihiin sharci, wixii dhacayna ay ahaayeen wax nidaam loo soo maray.

Dhanka kale Xildhibaan Ciyow ayaa sheegay Datuurka inuusan qofna cafineyn, xilka qaadistii ay ku sameeyeen Madaxweyne Xaaf-na in ay aheyd mid sharci ah, hadii Alle idmana 15-ka bishan ay dhici doonto Doorashada Madaxweynaha cusub, hadana uu socdo diyaar garowga la xiriira Doorashada.

Xiisada ka taagan Galmudug ayaa ah mid la isku daalay, una muuqata ijiid aan ku jiidee, kadib markii xalinteeda ay daba dheeraatay, waxaana shacabka Galmudug ay sheegeen muhiim in ay tahay in xal loo helo khilaafkan, maadaama saameyn dareen leh ay ku yeelatay.