WARBIXIN : Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho Kulan Kula Qaatay Ergeyga Qaramada Midoobey Ee Soomaaliya.

0

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxa uu kulan kula qaatay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cade International Airport wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Michal Keating.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe, waxaana looga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin Fadaraaliisamka Soomaaliya, heshiiskii dhexmaray 05 Nov 2017 Dawladda Federelka Soomaaliya iyo dawladdaha xubnaha ka ah, amniga qaranka Soomaaliya, isku dhafka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo horumarinta nidaamka xisbiyada badan ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horeyn sheegay in heshiiskii dhexmaray Madaxda qaranka Soomaaliyeed uu ahaa mid guul, wadajir iyo midnimo ku soo dhammaaday, isla markaana Madaxweynaha ayaa tilmaamay in DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ahiba ay ku heshiiyeen sidii ay shacabka Soomaaliyeed ay umidayn lahaayeen uguna horseedi lahaayeen in la helo Soomaali oo mida oo ka midaysan xoraynta dalkooda hooyo iyo horumarka dalkaba.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in qodobadii laga guul gaaray ay kamid ahaayeen siyaasadda, amniga, fadaralisamka, dastuurka iyo gulluf colaadeed ee loodhan yahay kaas oo dalka lagaga xoraynaayo argagixisada Al-shabaab,

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku dhafka ciidamada qaranka Soomaliyeed loo-saaray gudi arrimahooda, gudigaas oo dhowaan soo dhamaystiri doona qorshaha isku dhafka ciidamadaasi, kuwaas oo Soomaaliya ka xorayn doona Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa sido kale cadeeyey in Puntland uu ka tisqaaday kana hirgashay nidaamka xisbiyada badan dhawaanna ay shacabka Puntland iyo dawladdooduba gaadhi doonaan doorasho hal qof iyo hal cod ah,kuwaas oo looga gudbi doona nidaamka awood qaybsiga ee hada jira.

Ambassador Michal Keating ayaa dhankiisa Madaxda qaranka Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyaba ku amaanay uguna hambalyeeyey hishiiska qaran ee ay ka yeesheen arrimahooda qaran ee u baahnaa wada tashida, isla markaana waxa uu xusay in Soomaaliya idilkeed cagta saaratay dhabadii horumarka, wada jirka, midnimada iyo iskutashiga iyagoon cidna ka dhawraynin tageero iyo gacan qabashoba.