TOP DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Hiiraan oo war ka soo saaray diidmada Shillin Soomaaliga

0

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa amar ku bixiyay in shuruud la’aan la isticmaalo lacagta Shillin Soomaaliga ah, taasi oo maalmihii u dambeeyay uu ka taagnaa muran.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha degaanada qaar ee Gobolka in si caadi ah lacagta looga isticmaalayo, macquulna aysan aheyn in laga diido magaalada Beledweyne.

Wuxuu sheegay in maalmihii dambe ay kulamo la qaadanayeen Ganacsatada qaar ee degmada, ayna ku heshiiyeen in la socodsiiyo lacagta shilling Soomaaliga, wuxuuna shacabka ka dalbaday in ay isticmaalaan lacagta.

Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in aysan aqbali doonin dadka qaar in ay u dhintaan gaajo, maadaama lacagta ay heystaan aysan waxba ku iibsan Karin oo Ganacsatada qaar ay diido.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO