TOP DHAGEYSO:- Gaas oo ku baaqay in laga wada qeyb qaato Dagaalka Shabaab

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku baaqay in laga wada qeyb qaato dagaalka ka dhanka ah ee lagula jiro ururka Al-shabaab.

Gaas wuxuu sheegay mar walba oo ay wax dhacaan in laga tacsiyadeeyo, kadibna uusan jirin isla xisaabtan dambe iyo in laga jawaabo wixii dhacay, taasina aysan wax wanaagsan, oo la doonayo muhiim in ay tahay in wax laga qabto.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ugu baaqay in ay kordhiyaan dagaalka ay kula jiraan Shabaa, taas bedelkeeda shacabka ayuu ka dalbaday in ay garab siiyaan Ciidamada.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa hadalkan ka sheegay Munaasabad xalay ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO