DHAGEYSO : Taliyaha Ciidamada Badda Puntland Oo Ka hadlay Askari La sheegay inuu Gabar ku kufsaday Boosaso.

0

Taliyaha Ciidanka Badda Puntland Admiraal Cabdirsaaq Diiriye Faarax ayaa Shirjara’id oo uu ku qabtay Magaaladda Boosaso wuxuu ku beeniyay In Askari ka Tirsan Ciidankooda uu Dil ka geystay Magaaladda Boosaso,

Taliyaha ayaa Sheegay ineysan waxba ka jirin Warar Maalmihii Danbe lagu baahinayay Baraha Bulshada oo sheegayay in askari ka Tirsanaa Ciidanka Badda Puntland uu ka danbeeyay Falka Lagu dhaawacay Gabar 15-jir ah oo dhaawac uu soo gaaray, kadib markii uu askarigaasi Xabad oga Dhuftay Qeybta Taranka ee Jirkeeda, Kadib markii uu isku dayay inuu kufsado,

Waxaana Falkaasi oo 27-kii Biishii Hore ee October ka dhacay Magaaladda Boosaso la sheegay in Gabadhaasi Lagu dhaawacay Kadib markii uu ninkaasi oo ay sheeko wadaaga ahaayeen, uu si qasab ah isugu dayay inuu u kufsado, waxaase Taliska ciidamada Badda ee Puntland oo iska fogeynayaa in askarigaasi uu iyaga ka tirsanaa,

” Arintaasi Maaha Waxjirta, Ciidanka Booliska ayaana Gacanta ku Hayay, Laakiin Cida falka Geysatay Maaha Askari ka Tirsan Ciidanka Badda Puntland, Waxanan is Leeyahay Waa Ficil Xun oo Bini aadantinimadana ka baxsan in gabar Soomaaliyeed sidaas La Yeelo, Ayuu Yiri Admiraal Cabdirsaaq Diiriye Faarax.

” in Ciidan Sharaf leh oo ah ciidanka Ugu Akhlaaqda badan kuwa Soomaaliya, maaha in lagu tilmaamo kuwa Falkaasi ku dhaqaaqay, Waana ka xunahay in sidaas khaldan loo adeegsado, Danbiilaha iyo Cidii Kale ee falkaas geystayna Waa la heli doonaa, Waana la soo Qaban doonaa Si Sharciga loo Horkeeno, Ayuu Hadalkiisa sii Raaciyay Taliyaha Ciidanka Badda Puntland Admiraal Cabdirsaaq Diiriye Faarax

Mar la weydiiyay in askarigaas uu Horay Oga soo Mid Noqday Ciidanka, iyo waxa Keenay in iyaga Lagu tuhmo ayuu Yiri,

” Qofka Magacaasi wata Waligiis Ciidanka Badda Puntland Kama Mid Noqon, Mana Naqaan Xitaa waligiis Lagama Ruqseyn, Waxaanan filaya waxa Tuhunka soo galiyay inuu Yahay in Dareeska ciidamada oo aad isugu eg ay dadku u qaataan in uu ahaa Askari ka Tirsan Ciidanka Badda Puntland. ” Ayuu Yiri Taliyaha Ciidanka Badda Puntland.

Sh. Maxamed Cabdi Xayi Oo Ah Aabaha Dhalay Gabadha Falkaasi loo geystay ayaa Isagoo Sabtidii la hadlayay Warbaahinta Wuxuu ku eedeyay In Askarigaasi oo uu sheegay inuu ilaalo u ahaa Agaasimaha Hay’adda Ciidamadda Badda Puntland ee (PMPF) uu falkaasi xun u geystay Gabdhiisa oo hadda xaaladeeda lagula tacaalayo Isbitalka Digfeer ee magaaladda Muqdisho.

DHAGEYSO CODKA TALIYAHA :

HOOS KA DAAWO SHIRKA JARA’ID :

Taliyaha Ciidanka Badda Puntland Admiraal Cabdirsaaq Diiriye Faarax Ayaa Beeniyay in Askari ka Tirsan Ciidanka Badda ee Puntland uu Ka danbeeyay Fal lagu dhaawacay Gabar Dhalinyaro ah 27-kii Bishii Hore, Kadib Markii uu isku dayay inuu Kufsado Gabdhaasi.Taliyuhu Kama Hadlin Waxa keenay Wakhtigaan Iney Ka hadlaan.

Slået op af Yusuf Abdi Shire i 6. november 2017