DHAGEYSO : Somaliland oo Ka Hadashay Sababta ay liisanka shaqada ogala noqdeen Kalsan TV

0

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay liisankii shaqada kala noqotay Telefishan ka mid ah kuwa ka hawlgala Somaliland, waxaanay ku tilmaameen inay baahiyeen war ay sheegeen inay nabadda khalkhal gelinayso.

Hase ahaatee, masuuliyiinta telefishankaas ayaa sheegay in jidka loo maray xadhigoodu aanu ahayn mid sharciga waafaqsan.

Geesta kale, ururka saxafiyiinta ee SOLJA iyo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa iyana arrintani ka hadlay.