FAALLO:- QOLOF TELOOFOON OO UU KA DHEX QAYLINAYO SIM CARD AY DAD GASHADEEN W/Q. Daahir F. Afdheere.

0

Baarlamaanku waa Hey’adda ugu sareysa qaranka, misana ah Golihii Sharci-dajinta (Leggeslativo), isla markaana ah Golihii Shacabka ama Golihii Umadda metalayay (Assemblea Nazionale), kaasoo loo baahan yahay inuu mar kasta ka turjumo rabitaanka dadka uu metalo.

Waxaa nasiib-darro ah aad u wayn ah in xildhibaano aad u badan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya aanay garanayn in kursiga ay ku fadhiyaan ay leeyihiin kummannaan shacab ah oo ay metalaan, kuwaasoo ay tahay in ay la tashadaan tallaabo kasta ee ay qaadayaan, isla markaana la jaanqaadaan oo ku shaqeeyaan codkooda.

Xildhibaan Axmed Cismaan Ibraahim (Daqare) ayaa ka mid ah amaba ugu horeeya kuwa aan aqoon hawsha ay bulshada u igmatay ama u wakiilatey, kaasoo u haysta in kursiga uu ku fidhiyo uu yahay mid uu Baqtiyo-nasiib ku helay, isla markaana aaminsan in uu u hadli karo sida uu doono, asagoo waliba ku xadgudbayo qodob dastuuri ah oo la xiriira anshaxa hadalka.

Waxaa isla markiiba ay qayladhaan xooggan kasoo yeeraysaa shacab aad u badan oo ka soo jeeda deegaanada gobalka Gedo, kuwaasoo uu xildhibaan Daqare u metelo Golaha Shacabka, waxaana Baraha Bulshada ee ay ka midka yihiin Facebook iyo Twitter ay uga soo jeediyeen cambaarayn xooggan oo ku wajahan hadalkii uu maalmo ka hor ka jeediyay Baarlamaanka.

Weli xusuusteyda kama go’in hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdiyo Maxamed Barre oo ka mid ah shacabka uu metelo Xildhibaan Daqare, taasoo qayla-dhaan afka furatay, aadna u cambaaraysay hadalkii uu baarlamaanka ka hor yiri, raali-gelina ka bixisay, si cadna u sheegtay in aanu marnaba metelin, isla markaana ku tilmaantey nin aan aqoon waxa uu ku hadlayo iyo aduunyo meel ay u socoto.

Shacabka deegaanada gobalka Gedo ee uu metelo Axmed Daqare ee aan aniga idinla hadlayo ka mid ahay, mar haddii aanay la qabin oo ay kasoo hor jeesteen, isla markaana cambaareeyeen fekerkiisa, soow lama oran karo wuxuu lumiyay kalsoonidii shacabka? Waxaana uu mudan yahay in uu xilka baneeyo si loo doorto qof ku habboon.

Shacabka Soomaaliyeed ma quusan doonaan, waxayna rajo wayn ka qabaan in ay helaan nidaam iyo kala dambayn, waxaana filayaa inay si wadar ula dagaalami doonaan xildhibaanada ay ka midka yihiin Axmed Daqare iyo Mahad Salaad ee caadaystay in ay xagal-daaciyaan hannaanka dawliga ah ee haatan soomaaliya ka hanaqaaday.

Ugu dambayntii xildhibaan Axmed Daqare loogama baran 5tii sano ee la soo dhaafay in uu ka hadlo kulamada Baarlamaanka, hase yeeshee hadalkiisi dhiicada lahaa ee ku dhaleeceeyay madaxda qaranka ee la doortay, waa mid dhiilo wayn nagu abuuray, waxaana ay dad badan ku tilmaameen ilma carruur ah oo ku hadaaqay hadal loo soo dhiibay, kuwaasoo sheegay inaanay u joojin doonin ee uu la mid yahay:- QOLOF TELOOFOON OO UU KA DHEX QAYLINAYO SIM CARD AY DAD GASHADEEN !.
….
Daahir F. Afdheere
Email. owsame1@yahoo.com
Birmingham, United Kingdom