QORMO XIISO LEH:-Xildhibaanka aniga i matali kara waa mid noocee ah? WQ. Aden Colujoog

0

In kasta oo aan ogahay in Xildhibaanada Soomaaliya aanay ku imaanin rabitaanka bulshada oo aanan si toos ah looga soo dooraran deeganada ay kasoo jeedaan, haddana waxaa hubanti ah in ay hadda iyagu yihiin kuwa matalaaya deegaanada sida dadban ay uga soo galeen baarlamaanka.

Su’alaha haddaba u baahan in la is weydiiyo ayaa ah:

1).Horta, Xildhibaanka Soomaaliyeed ma yaqaanaa shaqadiisa waxa ay tahay?
2). Ma og yahay in uu shacabku yahay kan awoodda iska leh ee aanay ayagu waxii ay rabaan iska sameyn karin?
3). Mala socdaa oo ma og yahay Xildhibaanka haddii ay caqabad adag oo dhanka siyaasadda ah lasoo gudboonaato, in cidda loola noqonaayo ee lagala soo tashanaayo ay tahay deegaanka laga soo doortay, mise waxuuba u haystaa in uu isagu yahay kan talo kasta kaligii goosan karo?

4). Xildhibaanku ma waxuu ku dhaartaa in uu yahay dajiyaha iyo ilaaliyaha sharciga dalka, iyo dhowraha danta dalka, dadka, iyo diinta, mise waa kii laga ilaalin lahaa in uu dalkiisa burburiyo?

Aniga oo jawaabaha su’aalaha sare ku qoran u daynayo Xildhibaanada Soomaaliyeed, iminkana aan in yar ka iraahdo sida aan u arko dowladda ay hormuudka ka yihiin, madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’isal wasaare Xasan Cali Kheyre. Ka muwaadin ahaan, anigu waxaan si weyn u rumeysanahay in mas’uuliyiinta maanta majaraha u haysa dalka Soomaaliyeed ay yihiin kuwii ugu mudnaa marka dhan walba laga eego, sidaas awgeedna, waxaan umadda Soomaaliyeed usoo jeedin lahaa in aanay mar kale fursadaan qaaliga ah iska lumin, mas’uuliyiintoodana ay siiyaan fursad ay dalkooda ugu shaqeeyaan mudada loo doortay ee afarta sano ah.

Xildhibaanka aniga i matali kara waa mid noocee ah?

Xildhibaanka aniga i matali kara waa mid leh aqoon ku filan, daacadnimo, iyo wadaninimo, isla markaana garan kara shaqadiisa waxa ay tahay iyo in uusan ka mid noqon karin dhaq-dhaqaaqyada aan qarsooneyn ee ay wadaan kooxaha mucaaradka ku ah xukuumadda ee aan sharciyeysneyn (illegal opposition groups), kuwaasoo jeedkoodu yahay oo kaliya sidii loo xagal daacin lahaa ama xukunka looga tuuri lahaa xukuumadda markaas jirta, loona gacan siin lahaa shaqsiyaad dano gaar ah leh oo isugu jira ajnabi iyo calooshood u shaqeysteyaal magac Soomaaliyeed sita.

Haddaba, aniga oo ka duulaya aragtiyada sare oo aan aaminsanahay, isla markaana maanka ku haya guul daradii horay looga dhaxlay fudeydkii ay Soomaalida dowladoodii hore isaga bur-buriyeen, ayaa waxaan xildhibaanada mucaaradka ah kula talinayaa in ay ka waantoobaan mucaaradnimadooda lidka ku ah maslaxadda umadda Soomaaliyeed, taas badalkeedana ay ku badalaan sidii ay uga dhabeyn lahaayeeen kitaabkii ay ku dhaarteen iyo in ay dalkooda iyo dadkooda si daacadnimo leh ugu shaqeeyaan.

Madaxda sare ee dalka, waxaan iyana kula dardaarmayaa in aanay ku qalbi jebin jilaafooyinka ay har iyo habeyn u dhigayaan kuwa diidan horumarka iyo midnimada Soomaaliyeed, balse ay ogaadaan in inta badan umadda Soomaaliyeed ee dal iyo dibad ku nool ay raali ka yihiin hogaankooda suuban.

Guul iyo gobanimo Soomaaliya, madaxdeena daacadda ahna Rabbi garabkooda ha galo, xilka adag ee ay hayaana ha u fududeeyo.

Qore: Aden Colujoog, qoraa madax banaan (freelance writer)
adencolujoog@yahoo.com.