Dhageyso:-Itoobiya oo Dib Usoo Celineysa Dadkii ku Barakacay Colaada Qowmiyadaha Oromada iyo Somalida

0

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay wado qorshe ay deeganadooda dibu ugu soo celineyso tobanaan kun oo ruux oo ku barakacay colaadii xooganeyd ee gudaha dalkaasi ku dhex martay qowmiyadaha Oromada iyo somalida.

Gudoomiyaha gudiga maareynta musiibooyinka ee dalka Itoobiya Mitiku Kassa xusay in dib u celinta dadka ay saameyeen colaadihii ka dhacay xadka labada qowmiyad ay u dhici doonto so nabad gelyo ah.

Wasiirka isgaarsiinta ee dalka Itoobiya Negeri Lencho ayaa sheegay in ciidamada malateriga iyo kuwa booliiska ee dalkaasi la dhigay xadka Oromada iyo somalida oo gaaraya masaafo dhan 1500 oo km si loo xaqiijiyo amniga.

Qowmiyaha oromiya iyo somalida ayaa labaatankii sanno ee la soo dhaafay waxaa u dhaxeeyay muran xoogan oo la xiriira dhinaca xuduudaha dhulka

Dagaal xoogan oo labada qowmiyadood ku dhex maray bishii September ee sanadkan ayaa waxaa uu galaaftay nolosha ku dhawaan boqol ruux oo labada dhinaca ah halka kumanaan kale ay ku barakaceen

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka