Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka ambabaxay Arday Soomaaliyeed oo Deeq Waxbarasho ka helay dalka Suudaan, kuwaasi oo kaalmaha hore ka galay Imtixaanaadkii dowladda ee Sanad Dugsiyeedkii 2016 illaa 2017.
Ardayda maanta ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa gaarayay illaa 115 Arday oo 90 ka mid ah ay aheeyen Wiilal, halka 15 kalena ay ahaayen Gabdho.
Lataliyaha Wasiirka Waxbarashada Arrimaha Dibadda iyo Tacaliinta Sare Ismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in Ardaydan laga soo kala xulay dhammaan Maamul Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay maanta ku guuleystay in ay u dirto Dalka Suudaan oo ay ka heleen Deeq Waxbarasho
Dowladda Suudaan ayaa ka mid ah dowladaha Soomaaliya ka teegeero dhinaca Waxbarashada, waxaana Dalkaasi haatan ku sugan Boqolaal Arday Soomaali ah, kuwaasi oo wax ka barta Jaamacadaha Dalkaasi Suudaan.
Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka