Dhageyso:-Saraakiishii Hore Ee Dowladdii Dhexe Oo Digniin U Diray Xildhibaanada Mucaaradka Ku Ah Dowladda

0

Cabdullaahi Nuur Xaashi oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku nool dalka Ingiriiska islamarkaana la soo shaqeeyay Hay’adaha Ammaanka dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhaliilay Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada mucaaradaya in markii Kursi ay waayeen ay billaabeen wax uu ku sheegay hadallo marin habaabin ah oo micnaheeda uu ku tilmaamay anigaa ka maqan.

Mudane Cabdullaahi Nuur Xaashi ayaa intaas ku daray in Bulshada Soomaaliyeed ay ka wada dheregsan tahay in inta mucaaradka ah haddii xilal loo Magacaabo ay  u noqoneyso dowladda ay haataan wax ka sheegayaan tan ugu wanaagsan sida uu hadalka u dhigay.

Waxaana uu cod dheer ku sheegay in wararka qaldan ee ay dowladda ka fidinayaan aysan ku matalin beelaha Soomaaliyeed balse dantooda ay ugu raad joogaan sida uu hadalka u dhigay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo badanayay Siyaasiyiin iyo Xildhibaanno u badan kuwii xilalka ka soo qabtay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo eedeymo ka dhan ah Dowladda haatan ka fidinayay Warbaahinta iyo Baraha Bulshada qaar.

Hase ahaatee bulsho weynta Soomaaliyeed ayaa weli u arka in dowladda haatan oo kalsooni buuxda ay u muujiyeen markii la doortay ay haboontahay in fursad la siiyo si ay uga gudubto caqabadaha kaga hor gudban wax qabadkeeda.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka