Dhageyso:-Kenya oo wacad ku martay in ay ka hortageyso weerarada alshabaab ay ka gasytaan gudaha dalkeeda

0

Saraakiisha amaanka ee dalka kenya ayaa sheegay in ay wadaan qorshe cusub oo ku sugayaan amniga deegaanada ku yaalka xadka ay wadagaan dalalka kenya iyo somaliya.

Kulan dhawaan magaalada Malindi ay ku yeesheen madaxda magaalooyinka Lamu,Garissa iyo Tana ayey ku sheegeen in ay bilaabayaan howl galo gaar ah si loo xaqiijiyo deegaanada ku dhaw xadka somaliya oo inta badan ay alshabaab ku soo qaadaan weeraro qasaarooyin gaysta.

Stayley Muthama oo ah mudane laga soo doorto magaalada Lamu ayaa sheegay in saddexdaasi magaalo ay halista ugu badan kala kulmaan weerarada gaadmada ah ay alshabaab ku soo qaadaan,waxaana uu xusay in loo baahanyahay iskaashi xoogan oo looga hortagi amniga deegaanadaasi.

Mas,uuliyiintaasi ayaa sheegay in ay soo bandhigayaan qorshe cusub oo lagu soo celin karo amniga magaalooyinkaasi oo sanadihii la soo dhaafay ay dagaalyahano ka tirsan alshabaab ay ku qaadeen weeraro badan.

Saraakiil ka tirsan dalka kenya ayaa dhawaan sheegay in ay xoojinayaan amniga xadka kenya ay la leedahay somaliya si looga hortago weeraro alshabaab ka gaystaan gudaha dalkaasi

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka