Gobolka Shabeellaha Hoose waxa Maalmihii la soo dhaafay laga dareemayay dhaq dhaqaaqyo Milateri oo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Maxamed Ciise oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada xoogga ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in dhaq dhqaaqyadaas looga gol leeyahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay Gobolkaas ka joogaan.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Shalay ay Al-Shabaab weerar Gaadmo ah ku soo qaadeen degmada lambar Konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose isla markaana Ciidamada xoogga dalka oo Goobta ku sugnaa ay iska difaaceen khasaarana ay gaarsiiyeen.
Sidoo kale waxa uu sheegay in haatan ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo y wadaan kaas oo ay ku doonayan in deegaanada ay kaga sugan yihin Gobolkaas ay ka saaraan.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in dagaalka intii uu socday ay ka furteen hub farabadan.
HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WAREYSIGA