Al-Shabaab oo Soo bandhigtay Magaca & Qabiilka Ninkii Waday Gaarigii ku qarxay Hoteel Naaso Hablood2

0

Magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya waxaa 28-kii bishaan ka dhacay Weeraro isugu jiray Ismiidaamin iyo Rasaas toos ah oo Mas’uuliyadiisu Sheegatay Al-Shabaab.

Weerarkaasi oo ay ku Geeriyoodeen Xildhibaan hore ugu tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha gudaha Koofur Galbeed, Taliyihii Booliiska Degmada Dayniile iyo Xubno kale oo gaaraya 25-qof oo badi ku sugnaa Hoteelka Naaso Hablood2.

Al-Shabaab ayaa soo bandhigay mid kamid ah Raggii Weerarkaasi fuliyey, waxayna Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ay Xalay Baahisay Wareysi ay la yeelatay mid kamid ah Raggii weerarka qeybta ka ahaa.

Xuseen Rukoow Maadeey oo Al-Shabaab looga dhex yaqaan (Carab) kana dhashay Beesha (Gaal-jecel) isla markaana ay baahiyeen wareysi ay la yeesheen ayee sheegeen in uu waday Gaarigii ugu horeeyey ee ku qarxay Hoteel Naasa Hablood2.

Al-Shabaab ayaa soo bandhiga Magacyada iyo Qabiilada Ragga Katirsan ee Qaraxyada ismiidaaminta ah iyo Weerarada tooska ah geysta.

Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa maalin kadib qaraxii Hoteel Naaso Hablood2 Horaantii Todobaadkaan Sheegtay in ay Gacanta ku dhigtay 3-kamid ah Kooxdii Weerartay Hoteel Naasa Hablood2.