Wararka laga helayo Gobolka Bari ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqii Dekedda Magaalada Boosaaso uu hakad ku jiro, kadib markii Ganacsatadu ay sheegeen in lagu kor dhiyay Lacagaha Canshuuraha ee looga qaado Dekeddaasi.
Waxaana lagu soo warramayaa in maalintii 4 aad wax shaqo ah aysan ka socon Dekedda Boosaaso, iyadoona Ganacsatada wax kala soo dagi jiray ay ka cabanayaan Lacago dheeraad ah oo lagu dalacay.
Balse Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Puntland Saciid Maxamed Raage oo maanta la hadlay Warbaahinta ayaa been abuur ku tilmaamay wararkaasi, isaga oo meesha ka saaray in Maamulkaasi uu Canshuur ku kor dhiyay Ganacsatada Dekedda Boosaaso ee Gobolka Bari.
Waxaana uu ugu baaqay Ganacsatadu in ay degenaan muujiyaan, islamarkaana xusay in Puntland ay diyaar u tahay in la xaliyo wax walbo oo ay tabasho ka yihiin Ganacsatada ku sugan deegaanada Maamulkaasi.
Arrimahan ayaa ku soo aadayo, xilli dhawaan Dekedda Boosaaso lagu wareejiyay, shirkad gaar ah oo laga leeyahay Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, si ay u hormariso Dekeddaasi.