AKHRISO: Imaaraadka Carabta oo si lama filaan ah uga hadlay Weerarkii Muqdisho

1

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si lama filaan ah war uga soo saartay Weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Weerarkan oo ku bilaawday Gaari ‘UD’ ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasi oo lagu dhuftay albaabka hore ee hoteelka Nasahablood ee Caasimada Soomaaliya.

Ugu yaraan 30 Ruux ayaa ku dhintay, in ka badan 50 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray weerarkaasi oo soo afjaradiisu qaatay hal habeen.

Wargeyska Gulf Today ayaa daabacay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay aad uga xuntahay weerarkii lagu laayay dadkii u badnaa shacabka ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wargeyska ayaa xusay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay diyaarad sida daawooyin iyo dhaqaatiir caafimaad ay soo dirtay Soomaaliya.

Daawooyinkan ayaa loogu talagalay in lagu dabiibo bukaano Soomaaliyeed oo ku sugan Dalka Kenya, kuwaasi oo dhawaan ku dhaawacmay Weerar 14-kii bishan ka dhacay Isgooyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay in ay marwaliba garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya, ayna ku taageereyso in halmeel looga soo jeesto Kooxaha argagixiso ee fuliaya weerarada geysta khasaaraha isugu jira dhimashda iyo dhaawaca.

Comments are closed.