Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay soo Afjaraan Weerarkii shalay lagu qaaday Hoteelka Naasa Hablood 2.
Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in ay toogteen qaar ka mid ah raggii hubeysnaa ee Weerarka soo qaaday.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa hadda ku sugan Hoteelka Naasa Hablood 2.
Waxa ay ku guuleysteen ciidamada Ammaanka in ay soo badbaadiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo dad Shacab ah.