Shirkii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi farmaajo uu ku dhawaaqay loona balansanaa inuu maanta furmo ayaa la xaqiiyay inuu baaqday.
Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Saciid Faarax (Juxa) oola hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in shirkii loo madalsanaa ee maamul Goboleedyada iyo Dowladda dhexe laguna waday inuu maanta ka furmo Muqdisho dib u dhac uu ku yimid.
Wasiir Juxaa oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa sheegay in shirka uu baaqday, maalinta berri ahna uu qabsoomayo.
Sababta baaqashada Shirkan ayaa wuxuu ku sheegay Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliya in maanta ay imaanayaan madaxda dowlad Goboledyada kuwa dhiman, maadaama weli aysan Muqdisho soo wada gaarin.
Muqdisho hadda waxaa jooga Madaxweynaha Koonfur Gabeed oo shalay soo gaaray Magaalada, sidoo kalena waxaa maanta yimid Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).
Shirka oo beri furmaya ayaa diirada lagu saarayaa sidii la isku soo dhaweyn lahaa Dowladda dhexe iyo maamul Goboleedyada oo khilaaf hareeyay.