DEG DEG: Al Shabaab oo sheegtay Qaraxyo xoogan oo ka dhacay Muqdisho

0

Xarakada Al Shabaab ayaa goodhow sheegatay mas’uuliyada Weeraro ismiidaamin ahaa oo siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

War ka soo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa waxey ku sheegteen mas’uuliyada Weeraradassi ka dhacay nawaaxiga Hoteelka Naasahablood iyo sidoo kale Daljirka daahsoon ee Degmada Boondheere.

Qaraxyadan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyay ugu yaraan 13 Ruux oo ay ku jiraan Xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya.