Madaxweynaha Uganda oo kumanaan ASKARI u diyaariyay Somalia

2

Madaxweynaha Dowladda Uganda, Yuweri Museveni ayaa waxuu sheegay in kumanaan askari uu u diyaariyay Dalka Soomaaliya.

Kumanaankan askari ayaa ka qeyb qaadan doona Dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab ee dhawaan ka bilaaban doona gudaha Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda ayaa u sheegay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Mareykanka in uu diyaariyay 5 kun oo askari, kuwaasi oo loo daabuli doono Soomaaliya.

Waxuu sheegay in kumanaankan askari lagu xoojin doono howlgallada militari ee ka socda qeybo ka mid ah Soomaaliya, si buu yiri looga adkaado Xarakada Al Shabaab.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Madaxweyne Museveni waxuu tilmaamay in uu diyaar u yahay in Ciidamo kale uu u diro Soomaaliya, hadii Beesha Caalamka ay bixiyaan dhaqaalaha howlgalka AMISOM.

Madaxweynaha ayaa soo jeediyay in Beesha Caalamka looga baahan yahay in ay Diyaarado Dagaal ugu yaboohaan howlgalka AMISOM, si looga awood roonaado Xarakada Al Shabaab.

Dowladda Uganda ayaa in ka badan lix kun oo askari waxey ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta ee AMISOM.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Uganda ayaa shaacisay in Xukuumadda Kampala ay ka go’an tahay taageerida Madaxweynaha Soomaaliya, si Xukuumadda Muqdisho ay u qaado Dagaal ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.

Comments are closed.