FAALLO:- Soomaaliya ma waxay u baahan tahay dib-u-heshiisiin dhab iyo musaalaxo guud mise dagaallo hor leh ?

1

Waxaan qormadan kaga hadli doonaa haddii uu Rabbi idmo mowduuc aad u mihiimsan, Kaasi oo loo baahan yahay in ay ka doodaan dadweynaha Soomaaliyeed ee iska leh dalkan baylahda ah sida Culimada, Aqoonyahanada, Odayaasha Dhaqanka iyo waliba Siyaasiyiinta ka kortay aragtida gaaban ee ku dhisan qabiilka, deegaanka iyo waliba is-kooxeysiga. Mawduucan, Ayaa ku saabsan nooca xal ee ay Soomaaliya u baahan tahay waqti-xaadirkan la joogo: Ma dib-u-heshiisiin dhab iyo musaalaxo guud mise dagaallo hor leh iyo dhiig daata ?

 

Ka hadalka arintan, Ayaa igu dhalatay ka dib markii aan arkay dad Soomaali ah oo wali ku baaqayo in dalkani ay ka dhacaan dagaallo hor leh ujeeddo kastaaba ha ka lahaadeene, Xilli aan ognahay in ay horay noo soo daashadeen dagaallo aan natiijo lahayn, Kuwaasi oo baabi’iyey dalkeenii quruxda badnaa, Islamarkaana ka dhigay dal ku tiirsan kaalmo bini’aadam oo runtii halaysan magacii iyo sharafkii aannu lahayn. Sow midan dhibsan in mar walba la yiraahdo Soomaaliya ayaa loo gurmanayaa ? nacam wallaahi.

 

Balse inta aanan u gelin nooca xal ee loo baahan tahay waqti-xaadirkan la joogo, Aan marka hore ka warammo xaalka uu marayo dalkan iyo wixii halkan soo gaarsiiyey. Soomaaliya, Waxay mareysaa marxaladdii ugu xumeyd ee ay abid marto, Taana waxaa daliil u ah wixii ka dhacay magaalada Muqdisho, Gaar ahaan Isgoyska Soobe. Halkaasi oo uu ka dhacay qarax aad u weyn oo daqiiqado qura galaaftay nolosha boqolaal qof oo aan waxbo galabsan, Halka uu dhinaca kalena baabi’iyey hanti aad u badan oo si gaar ah loo lahaa.

 

Waxaa dalka ka socda dagaallo sokeeye oo dhibaatooyin badan geystay, Kuwaasi oo u dhaxeeya dad Soomaali ah magacay doonaanba ha ku dagaal galeene. Halka khilaafka u dhaxeeya waxan loogu yeero siyaasiyiintana uu faraha ka baxay, Iyagoo waliba u kala khidmeynayo dalal shisheeye oo ay lacago ka soo qaateen. Waxaa halis ku jira midnimadii iyo madaxbanaanidii dalka oo runtii macno weyn noogu fadhida, Halka kheyraadkii dalkana uu qatar ugu jiro in uu ku dhaco gacmo shisheeye oo aan la aamini karin sida duweylatu Imaaraad oo kale.

 

Waxaa jirta baahi aad u weyn oo dhinac walba ah, Taasi oo dalkii ka dhigay mid ku tiirsan kaalmo bini’aadam oo laga soo saaro jeebabka dadyow shaqeystay oo kheyraadka ku jira dalalkooda aanu ka badneyn midka ku jira dalkeenna. Waxaa faraha ka baxay faragelintii shisheeye oo mar walba qatar ku ah midnimada iyo madaxbanaanida dalka, Taana waxa daliil u ah faragelinta Dowladda Federaalka uga imaaneysa Imaaraadka Carabta oo maamul goboleedyada ku riixaysa inay ka soo horjeestaan go’aankii ay Dowladda Federaalku ka qaadatay xasaradaha Khaliijka.

 

Waxaa quus taagan dadweynihii Soomaaliyeed dal iyo dibadba, Kuwaasi oo ka quustay inay dalkan nabadi ka dhalato, Taasi oo runtii ku qasabtay Soomaali badan inay ka cararaan dalkooda, Maadaama la waayey nabad iyo dhaqaalo fiican oo lagu maareeyo nolosha adag ee ka jirta dalka. Ma garaneysaan sababaha dhalinyaro badan ku qasabtay inay dalkooda ka tahriibaan ? Maxaase keenaayo in dumar Soomaaliyeed ay shaqo guri u doontaan Sacuudiga oo aad og tihiin halka uu ka joogo xuquuq bini’aadamka ?

 

Dhibaatooyinka aan la soo koobi karin ee aan ka warannay, Ayaa waxaa u sabab ah dagaaladii sokeeye ee horseeday inay dhacdo Dowladdii Dhexe ee uu madaxweynaha ka ahaa AU Maxamed Siyaad Barre. Waxaa sidoo kale dhibaatadan sabab u ah khilaafka aan dhamaadka lahayn ee u dhaxeeya dadka Soomaalida, Gaar ahaan kuwa gacanta kula jira arimaha siyaasadda oo had iyo jeer caado ka dhigtay inay dadka waqtiga uga dhumiyaan wax aan najiiyo wanaagsan lahayn sida khilaaf joogta ah oo kale.

 

Marka aan hadalka soo uruuriyo, Halka ay Soomaaliya maanta taagan tahay oo run ah meel aad u xun, Waxaa soo fadhiisiyey waa dagaal sokeeye iyo khilaaf aan macno lahayn iyo waliba faragelin shisheeye. Bal fiiriya meesha aan maanta naalno iyo nolasha ay ku nool yihiin dadkeenna, xilli ay Aduunyadu ku talaabsatay horumar la taaban karo. Suuratagal ma tahay in dal uu burbursanaado wax ka badan 30 sano ? Suurtagalse ma tahay in dad Muslimiin ah ay ku kala dhex jiraan dad aan Msulimiin ahayn. Inaa lilaahi waa innaa ilayhi raajicuun.

 

Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan maanta kaga waramayo nooca xal ee ay Soomaaliya u baahan tahay waqti-xaadirka la joogo: Ma dib-u-heshiisiin dhab ah iyo musaalaxo guud mise dagaallo hor leh iyo dhiig daata ? Anigu, Waxaan qabaa runtii in Soomaaliya ay u baahan tahay dib-u-heshiisiin dhab ah iyo musaalaxo guud, Maadaama dagaal xal lagu keeni waayey, Islamarkaana uu dagaalku sii balaariyey dhibaatadii awalba jirtay ee tabaneysay dadweynaha caadiga ah sida aan in badanba aragnay.

 

Sidan soo sheegeyba, Soomaaliya waxa ay u baahan tahay dib-u-heshiisiin dhab ah maadaama xalkii caskariga ahaa lagu guuldareystay. Taasina waxaa daliil u ah dagaaladii dalkan ka dhacay sida kuwii dhexmaray Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Alaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre iyo waliba Jabhadihii Isaga ka soo horjeeday. Waxaa sidoo kale daliil u ah dagaaladii Iyagana dhexmaray Jabhadihii faraha badnaa ee ku dagaalamayey magaca qabiilka sida SSDF, SNM, SPM, USC, SDM, SNF, SNA, RRA iyo waliba kuwa la midka ah.

 

Waxaa sidoo kale daliil u ah dagaaladii iyagana dhexmaray ururkii A-Itxaad iyo Siyaasiyiintii ka soo horjeedday iyo waliba dagaaladii kale ee Iyagana dhexmaray Midawgii Maxaakiimta iyo hogaamiye kooxeedyadii ay iska soo horjeedeen ee uu shisheeyuhu taageeri jiray. Hadabo, Maxay ku soo dhamaadeen dhammaan dagaaladaasi ? Jawaabtu waa dhimasho, dhaawac, barakac, burbur, kala adkaan la’aan iyo waliba is naceyb ilaa maanta socda. Ma jirtaa qolo laga adkaay oo dalka isaga guurtay ? Kallaa walaahi.

 

Tusaalayaashii aan soo sheegey iyo kuwa kale oo lagu darayba, Waxa ay dhamaatood noo xaqiijinayaan in xalka Soomaaliya aanu ahayn xal caskari ah, Bal uu yahay xal siyaasadeed iyo dib-uheshiisiin qura. Waase haddii la doonayo in laga hadlo xaqiiqda dhabta ah iyo waliba wax u roon dadweynaha Soomaaliyeed ee daallan. Sidee xal caskari ugu wanaagsanaan karaa dad wada dhashay ? Dadka Soomaaliduse ma yihiin aslan dad kala adkaan kara, Ama laga adkaan karo ? Haddii ay jawaabtu haa tahay. Maxay horay ugu kala adkaan waayeen ?

 

Tan kale, Maxaa faa’iida ah oo ku jira dagaal iska socda oo aan lagu kala adkaaneynin, Islamarkaana naafeynaya tarankii dadka iyo waliba dhaqaalihii yaraa ee la haystay ? Mase jira miyaa xal aan dagaal ahayn ? Maxaa diidaayo in la raadiyo xal kale sida wadahadal iyo dib-ushesiisiin oo kale, Mise Shisheeyaha ayaan dooneyn in uu dagaalka istaago inta ay dadka Soomaalida ahi ka daalayaan, Si uu markaasi u gurto kheyraadkooda sida hadaba socota ?

 

Anigu, Waxaan baarid ii gaar ah ku sameeyey sababaha keenayo in aysan Soomaalidu kala adkaan nooc kasta oo ay u dagaashaba. Waxaana ii soo baxday in dadkani ay yihiin dad wada dashay, Islamarkaana ku abtirsada hal diin, hal dhaqan, hal af, hal dal iyo waliba hal qoys. Waxaa kaloo ii soo baxday in qofka Soomaaliga ahi uu yahay qof qalafsan oo aan xoog lagu maquunin karin xitta haddii laga awood badan yahay. Waana sababtaasi sababta keeneysa in uu dabadheeraado dagaalkan sokeeye ee socda.

 

Tan kale, Anigu waxaan ka aaminsanahay dagaalada ka socda dalkeena ee u dhaxeeya dadka Soomaalida in ay yihiin dagaallo fidna ah oo u dhaxeeya dad muslimiin ah, Kuwaasi oo natiijadoodu ay ku dhamaaneyso Al-qaatilu wal-maqtuulu fin-naar iyo waliba sibaabul muslim fusuuqun wa qitaaluhu kufrun kamaa qaala Nabiyu SCW. Dagaalada dhexmara dadka Muslimiinta ee ku dhisan ijtihaadka ay qolo ku dooneyso in ay ku keento nooc xal ah, Waa dagaallo qatartooda leh, Islamarkaana inta badan ku dhamaaada natiijo xun sida horayba loo arkay.

 

Sidee dagaal ugu ijtihaadeysaa, Adigoo heli kara wadahadal, dib-u-heshiisiin iyo musaalaxo guud, Si loo baajiyo dhiig daata ? Sideese dagaal u doorbideysaa Adigoo og natiijadii ay ku dhamaadeen dagaaladii dalkan ka dhacay dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay ? Tan kale, Maxaa diidayo in wax laga barto waxyaabihii la soo maray iyo asbaabihii dalkan dumiyey mise caqligeena ayaan shaqeyn ? Maxaa kaloo diidaayo in taariikhda laga dhigto saaxiib wanaagsan oo wax lagu qiimeeyo ? Sowse ceeb naguma ahan inaan maalin walba raqda korkeeda ku calaacalno ?

 

Anigu, Waxaan aamisanahay in xalka Soomaaliya uu ku jiro wadahadal iyo musaalaxo dhexmarta dhammaan dadka Soomaalida ee dalkan wada leh, si loo badbaadiyo dadka maanta nool, Islamarkaana culeyska looga qaado shacabkan miskiinka ah ee qaxayey wax ka badan dhowr iyo labaatanka sano. Waxaan kaloo aaminsanahay in xal caskari aannu marna xal u noqon karin dhibaatada ka dhex jirta dadka Soomaalida maadaama ay dadkani yihiin dad wada dhashay oo uu ka dhaxeeyo wax walba oo bini’aadam xiriiriya sida rixim oo kale.

 

Ugu danbeyntii, Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada isku hayo dalka in ay dagaalada joojiyaan, Islamarkaana ay bilaabaan wadahadallo bilaa shuruud ah si looga baxo dhibaatada, Islamarkaana loo helo dowlad wanaagsan oo wax ka qabata baahida dadweynaha Soomaalida ee maanta loo tuugsi tagayo. Waxaan kaloo dhinacyadani ugu baaqayaa in ay wax ka bartaan waxyaabihii la soo maray si aanu waqti danbe u lumin. Sow 27 sano kuma filna in lagu qiimeeyo waxa uu yahay dagaal sokeeye iyo faa’iidada laga heli karo iyo waliba balanqaad shisheeye ?

 

W/Q: Maxamed Ibarim
Ragow1960@hotmail.com

Comments are closed.