DHAGEYSO:- Garabka Axmed Ducaale Xaaf oo walaac ka muujisay ka qaybgalka shirka Dawladda iyo Maamul Goboleedyada ee Muqdisho.

0

Galmudug, oo War Saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay xubnahan oo sheeganaya in ay ka socdaan dhinaca Xukuumadda Soomaaliya, ay adeegsanayaan dhaqaale, iyagoona xoojiyay ololahooda, ka dib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu Madaxda Galmudug ku marti qaaday shirka maalinta Sabtida lagu wado in uu Magaalada Muqdisho ka furmo.

Galmudug waxay muujisay haddii ay caqabadani sii socoto in ay adkaan doonto in Madaxweynihii xilka laga qaaday  Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu galaangal u yeesho ka qaybgalka shirka Magaalada Muqdisho.

War saxaafadeedka ka soo baxay maamulka Galmudug ayaa waxaa warbaahinta u aqriyay Wasiirka Warfaafinta maamulkaas Maxamed Cusmaan (Masagawaa).

War Saxaafadeedka Galmudug, ayaa u qornaa sidatan:-

UJEEDDO: Dhibaatada ay xubno qaswadayaal ah ku hayaan Galmudug.

Tan iyo markii uu fashilmay Inqilaabkii la damacsanaa in lagu minjaxaabiyo, xilkana looga qaado Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa jiray farsamooyin hor leh oo ay adeegsanayeen xubno qaswadayaal ah oo ku ganbanaya magaca xukuumadda, iyadoo ay ku dhex socotay martiqaad uu u fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dowlad Goboleedka xubnaha ka ah DFS, si looga wada xaajoodo tabashooyin ay Dowlad Goboleedyadu ka muujiyeen hannaanka wadashaqaynta Dowladda Federaalka iyo D/Goboleedyada, ka dib markii ay ku shireen Kismaayo horaantii bishan October/2017ka.

Waxaa nasiibdarro iyo lama filaan ah in xubnaha aan kor ku soo sheegnay ay weli ku wadaan debandaabyadii ay kula dhaqmayeen Dowlad Goboleedka Galmudug, iyadoo ay ku soo qul-qulayaan Cadaado shakhsiyaad aad u adeegsanaya dhaqaale oo olole siyaasadeed ka wada, Xildhibaano laga soo tashkiiliyay Muqdisho, dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo Cadaado iyo adeegsiga Maxkamadda Sare ee DFS oo gal dacwadeed ladaba socota Madaxweynaha DGGM, taas oo Maamulka Galmudug horey uga jawaabay dacwadaas in aanay xaq u lahayn qaadisteeda Maxkamadda Sare ee DFS, balse haddii ay jirto dacwadaas ay xaq u leeyihiin Hay’adaha Garsoorka Galmudug.

Dhammaan arrimaha aan kor ku soo sheegnay waxaa ka dhalatay kalsooni darro iyo muuqaal ah in weli ay socoto dhibaatadii ay qaswadayaashu ku hayeen Dowlad Goboleedka Galmudug.

Haddaba, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Gudoomiyaha Golaha Sharcidejinta Baarlamaanka FS, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya, Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedya DFS iyo dalalka aan saaxiibada nahay ee daneeya arrimaha Soomaaliya, waxaan ka codsanaynaa in culayska saaran Galmudug laga qaado, si ay noogu suuragasho inaan ka soo qaybgalno shirka loo ballansan yahay 28-ka bishan.

-Dhammaad-

 

HOOS KA DHAGEYSO