“Soomaaliya uma baahna in loo ooyo balse waa in laga taageeraa Dagaalka ka dhanka Argagixisada” , waxaa sidaasi cinwaan warbixin uga dhigay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.
Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed, Cabdullaahi Maxamed Sanboloolshe ayaa warbixin waxuu ka diyaariyay Weerar 14-kii bishan ka dhacay Isgooyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Taliyaha ayaa xusay in ka badan 400 qof in ay ku dhinteen, islamarkaana boqolaal kale uu soo gaaray dhaawacyo kala duwan.
Boqolaal ka mid ah Shacabka Muqdisho ayaa safaf dheer u galay sidii ay dhiig ugu deeqi la haayeen boqolaalka kale ee ku dhaawacay Qaraxaasi ka dhacay Isgooyska Zoobe, sida uu xusay Taliye Sanboloolshe.
Waxaa uu xusay Madax ka soo jeeda Dalalka Turkiga, Mareykanka, Britain, Kanada, Faransa iyo Qaramada Midoobay ay si kulul u cambaareeyeen Weerarkaasi.
Balse Taliyaha ayaa carabka ku adkeeyay in Hay’adda Nabad Sugida ay u baahan tahay qalab casri ah oo looga hortagi karo weerarada nuuca ee Al Shabaab ay qorsheynayaan.
Waxuu ku eedeeyay Dowladdaha Reer Galbeedka in ay ka gaabiyeen in Soomaaliya ay ku yaboohaan qalab casri ah oo fuddudeeya ka hortaga falalka amni darri ee loo maleygayo Magaalada Muqdisho.
Sanboloolshe ayaa qeexay in Soomaaliya aysan khubaro dhanka amniga, taasi oo uu sidoo kale u sababeeyay waxyaabaha ka dhacaya Dalka Soomaaliya.
Warbixintan ayaa Taliyaha waxuu ku sheegay in ay ka codsadeen Saaxiibada Soomaaliya in ay la wadaagaan xogaha laga helay goobaha ay ka dhacaan Qaraxyada balse waxuu sheegay in aysan dhicin in ay helaan xogahaasi.
Dhinaca kale, Taliyaha ayaa soo hadal qaaday in Al Shabaab ay ka kooban yihiin ilaa 8 kun oo Dagaal yahan, islamarkaana ay heystaan Degaano miyiga ku yaalla, ayna doorbideen in ay adeegsadaan Qaraxyada.
Waxuu tilmaamay in marnaba aan laga biqin ka hortaga Kooxaha Argagixiso ee maleynagaya weerarada nuucaas oo dhibaatooyin ay ka soo gaaraan Shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Taliyaha Nabad Sugida ayaa shaacisay in Soomaaliya aysan u bahneyn in loo aayo balse ay u baahan tahay in laga taageero Dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.