Qaxooti Soomaali Ah Oo Ku Noolaa Yeman Oo Dib Ugu Soo Laabtay Dalka

0

134 Qaxooti Soomaali ah ayaa xalay soo gaaray Dekedda magaalladda Berbera, kadib, markii ay dib uga soo laabteen dalka Yemen.

Hadal ka soo baxay Hay’adda Muhaajiriinta Caalamka ee IOM ayaa sheegtay inay Dowladda Maraykanka iyo Hay’addaha UNHCR iyo IOM iska kaashadeen Kharajka dib loogu soo celinayey Qaxootigaasi.

Dooni ay la socdeen Qaxootigaasi ayaa ka soo ambabaxday Dekedda magaalladda Cadan ee Koonfurta Yemen, waxayna soo gaareen Dekedda magaalladda Berbera ee Maamulka Somaliland.

Qaxootigaasi waxay kala ahaayeen 73 rag iyo haween iyo 61 carruur ah, kuwaasi oo iskooda u go’aansaday inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.

Dhinaca kale, Tan iyo bishii November ee sannadkii hore, 1,845 Qaxooti Soomaali ku noolaa Yeman ayaa iskooda u go’aansaday inay dib ugu soo laabtaan dalkodoa Hooyo.