DAGAALKA DAWLAD DOON IYO DAWLAD DOON KAL KAAL DAWLAD DIID IYO DAWLAD DIID KALKAAL SHABAAB IYO SHABAAB KAL KAAL.

2

Waxaynu ahayn dal leh nidaam iyo kala danbayn oo muuqaal iyo magacba ku leh caalamka.waxaynu ahayn dal iyo dad lagu xisaabtamo oo wax ka xaliya dhibaatooyinka caalamka ka dhaci jiray.Dawlado badan ayaynu ka qayb qaadanay xoriyad gaarsiintooda,nabadayn tooda iyo taakulayn dhaqaale intaba.Waxaas oo dhan waxaa sabab u ahaa waxaynu ahayn ee ahaa DAWLAD. Laga soo bilaabo 1991dii markii aynu gacmaheena ku ridnay dawladeenii oo burburinay,ayaa waxaynu galay nidaam la aan iyo dagaalo sokeeye oo soomaaliya ku hoobatay nasiib daro.wax kalana ma ahayn ee waa meeshii waxaa ka baxay DAWLAD NIMADII.

Hadii dal waayo dawlad nimo waxaa ku dhaca jabwayn iyo baa ba xoogleh.Soomaaliya ahaan hada waa aragnay khibradaan oo laynooga sheekayn maayo waa fahanay macnaha kadanbeeya hadii la waayo DAWLAD.Maha dawladnimadu wax laga maarmi karo nolosha aadamaha dadkuna uuma noolaan karo sida xayawaanka duurjoogta ah oo kale.sidaas ayaa illaahay usoo dajiyay diin iyo nidaam ah ismaamul DAWLAD NIMO lamana ogola diiniyan DAWLAD LA AAN. Sayidinaa Cumar bin khidaab allaah haka raali noqdee waxa uu yiri Hadaana sayidinaa cali ku khaldaynin”Maalin muslimiintu DAWLAD LA AAN ahaadaan waxaa ka khayrbadan 50 sanadood oo ay dawlad xumi haysato” Adeer cawaan qaawan unbaa diida dawladnimo waayo hade waa cawaan magaranayo.

DAWLAD DIID waa ina ayo? yaa dhalay? xagee kayimid? waa in aan fahanaa.Markii dawladii dhexe lawaayay ee ay burburtay waxaa fawdadii iyo dagaaladii sokeeye ka faa iidaystay koox yar oo jabsaday bakhaaradii hubka dawladii soomaaliyeed,kadibna la wareegay ilwalba oo dhaqaale yiilay.waxay ku habsadeen wasaaradihii dalka,iyo dhismo walba oo dawladu lahayd sida iskooladii,isbitaaladii,xeryihii ciidamada,waxba maysan dhaafin kuli. dhanka kalana waxay qabsadeen guryihii ooisugu jira kuwo ay dadkii lahaa ku laayeen,iyo kuwo dadkii isagoo nabad qaba ka kaxayba.ninba ninkii uu ka xoogbadnaa xiligaa waa gumaaday.

Musiibada iyo balaayada la arkay intaa kuma ekaan ee caasimadii MOGDISHO inta laga bogtay dad iyo maal wixii yiilay nag laga dhigay ayaa hadana goboladii la aaday koonfur iyo gobolada dhexaba wixii dad iyo maal halkaa yiilay ayaa hadana cagta la mariyay wax la dhaco iyo wax la dilo laga dhigay.hayeeshee meelaha qaarkood mar danbe ayaa lays a baabulay oo layska dhacshay.Laakiin gobolada koonfureed sida shabeelada hoose iyo banaadir dhib waynbaa ka jira illaahada.Dadkani waxay heleen lacag xaaran ah oo xad dhaaf ah waxayna ugu yeeraan qaarkood ganaacsi mana aha.dadkani waa kuwo tiro yar oo kasoo dhex baxay dagaaladaas sokeeye iyo burburkii oo helay meel aan dawlad ka jirin.lacagaha iyo hantida xaaranta ah ee ay haystaan iyo cabsi ah godobtay galeen in laga jarayo ayaa keentay in ay noqdaan kuwo ka dagaalama in dalku yeesho nidaam iyo dawlad nimo. Halkaan weeye meesha uu kadhashay DAWLAD DIID.

DAWLAD DIID shaqadii maha qabiilkii iyo qofkii madaxweyne dalka ka noqda isagu ma doonayo dawlad shaqaysa waayo cadaw buu u arkaa halis ku ah isaga.Laakiin dawladii iska aruursata shilimaan sida tii hada u danbaysay ee XASAN SHEEKH way rabaan. waxay diidayaan dawlad xoog leh oo dhab ah oo shaqaysa oo soomaaliya hesho.dadkani waa dad yar oo helay dhaqaalo inta kalana guumaysanaya sidana ku haysta masalaxadooda oo waa ku qanacsan yihiin.DAWLADIID aabihii iyo hooyadii ma cafinayo iska dhaaf qabiil iyo saaxiib iyo dal iyo diin waxaa adaa sheegaya.waa cadaw ah shaydaan dadka iyo dalkana halis ku ah.

DAWLADIID waxaa xiriir uu laleeyahay cidkasta oo dalkaan lugoynaysa sida maafiyo shisheeye oo beera daroogada iyo shabaab oo ay u hayaan lacagahooda dhamaan oo ay isla shaqaystaan.Hadaba DAWLAD DIID waxa uu kaalmeeyaa oo la shaqeeyaa shabaab iyo cadawga shisheeye.Waxaa soobaxay koox cusub oo hada gacan saar la yeelatay DAWLAD DIID iyaga waxaa layiraahdaa DAWLAD DIID kalkaal waana Maamul goboleedyada dhismay waxay iska kaashadeen in la diido dawlad waayo maamul goboleedyadu waxay haystaan xukun iyo dad geed ay ku xirteen oo gumaystaan sida DAWLAD DIID.Maamul goboleed yadu madoonayaan soomaaliya oo hesha dawlad dhexe oo xoog leh oo dalkoo dhan ka talisa! waxay ka jecel yihiin in ay dadka ku sii haystaan qaab qabiil iyo kala qaybin iyagoo dhawrkan nin ay dantooda u arkaan kursigaa ay haystaan iyo lacagtaa ay guranayaan ama dakad haka helaan ama kaalmo shisheeye ama canshuur intaba. inay halan madaxwayne sidaa uuga ahaadaan ayay rabaan mana doonayaan dawladnimo.

Hada DAWLAD DIID kalkaal cabsi baa gashay waa is aruursaday si shacabka soomaaliyeed ee goboladu ugu sii jiraan xukunkooda ayay u midoobeen oo dadka loo adoonsado sababtoo ah dantooda kursi iyo dhaqaale.waxay ku xiran yihiin cadaw kasta oo dilaya soomaali oo baa bi inaya sida carabaha oo kale.iyagu waa dawlad diid kalkaal.Laakiin DALAD DIID KAL KAAL hada rajaa jirta ah in uu toobad keenayo toobadunu waa furan tahay marwalba marka waxay sheegeen inay dawladooda adeecayaan sida sharcigu yahay isla markaana ka qayb qaadanayaan sifaynta cadawga soomaaliyeed ee dadkeenii xasuuqay. Hadaba haday sidan yeelaan waxba ku falimayno in aan kurka ka guro waa soo dhawaynaynaa waana sidii laga rabay. bini aadmiga markay xumaanta ka soo noqdaan is daba qabtaan waa lasoo dhaweeyaa.

SHABAAB IYO SHABAAB KAL KAAL waxay sidoo kale ka faa iidaysteen dawlad la aantii inagu dhacday,waxay inoogu soo gabadeen diin baan wadnaa kadibna waxay gumaadeen shacabkeenii.waxay beereen daroogo waxay la shaqaysteen DAWLAD DIID waxay hogaaminayaan cadaw shisheeye iyo carab shaydaan.dadkii soomaaliyeed ayay diintoodii qaaliga ahayd ka saareen heer ay maanta gaar siiyeen in diintii laga cararo oo la sharaysto.dad qalato iyo ibliis abahood weeye.waa qoom seegaya labada daaroodba.dadlkeenii iyo dadkeeniiba waa baa basheen.waxaa jira SHABAAB KAL KAAL oo ah kuwa hoosta ku haysta ee qarinaya,kuwa u haya lacagaha,kuwa dajiya guryahooda iyo hoteeladooda ee qarinaya.shabaab iyo shabaab kal kaal waxay lamid yihiin dawlad diid iyo dawlad diid kal kaal oo waxay isaga mid yihiin IN AYSAN DALKA KA DHALAN DAWLAD SHAQAYSA OO XOOG LEH.

DAWLAD DOON waa dawlada hada inoo jirta ee uu madaxwayne ka yahay FARMAAJO raysal wasaarana ka yahay KHAYRE waxa ka go an in ay dalka ku soo dabaalaan amaan iyo kala danbayn gacan bir ahna ku qabtaan.markii amaan la helo ayaa waxaa imanaya hormar dhaqaale iyo waxbarasho iyo shaqo abuur.Nabad hadaysan jirin wax hor mar ah oo jirikaraa majirayo.uugu horayn waa amaan.Dawaladu waxay dhistay ciidan waxayna u diyaar garoowday dagaal lagu sifaynayo shabaab iyo cidkastoo diidan dawladnimada soomaaliya.

DAWLAD DOON KALKAAL waa shacabka soomaaliyeed ee xalaal miiradka ah ee doonaya amaan iyo nidaam iyo dawlad nimo oo raba in ay difaacdaan diintooda,dalkooda, iyo dadkooda. waa shacab raba sharaf iyo nolol in ay ku helaan dalkooda oo diyaar u ah inay difaacdaan DAWLADOODA.shacabku ma doonayaan cidkasta oo hagar galinaysa oo hagar daamaynaysa in soomaaliya luga heeda ku istaagto oo hesho dawlad dhexe oo awood leh oo dalka oo dhan maamusha fadhida caasimada umada soomaaliyeed ee MOGDISHO xukunkana ugudbisa dalkoo dhan.shacabku waxa uu diyaar u yahay in uu nafta huro u dhinto difaaca dawlad nimada soomaaliyeed mana rabaan shacabku dawlad daciif ah oo tabar daran iyo dal fowdo ah oo ay u taliyaan dawlad diid iyo shabaab iskaa shanaya.

DAWLAD DIID IYO DAWLADIID KAL KAAL,SHABAAB IYO SHABAAB KAL KAAL,maha qabiil gaara iyo gobol gaara haba lagu kala badnaado dhab ahaan balse waxaa weeye dadkeenii soomaaliyeed oo iimaankii beelay oo aduunyo dhaaf saday diintii,dadkii,dalkii oo raba in soomaali dabar go do oo dhamaato qofna ka harin. waa soomaali cadaw ah oo inoo naxaynin.cadawkasta oo shisheeye ah oo ina dilayana waa la shaqaynayaan.Maanta waxay caasimadeenii iyo dadkeenii ku sameeyeen maha mid aan uga harayno waana dabar jaraynaa iyaga iyo cidkastoo aan ka dareeno inay wanaag u hayso cadawgaas.waa la dagaalamaynaa maha arinku waxaa weeye waa dabar jaraynaa nin ka reebi mayno.dagaalku waa soomaaliya oo is difaacaysa garatay cadawgeeda dhabta ah.waa dagaal sifaynta ehelu naarka dhiigeena cabaya.cid hor istaagi kartaa majirto dawladeena soomaaliyeed maanta waa isku duubanahay waana guulaysanaynaa oo sharaf iyo amaan ku noolaanaynaa caruurteenuna wax inoo baranayaan hooyooyin keenuna nabad ku seexanayaan dalkooda.waa is xoreeynaynaa anagoo ah soomaali wadaniyiin ah.DAWLAD DOON IYO DAWLAD DOON KALKAAL AYAA LEH GUUSHA.

Qofkii lagu ogaado in uu qariyay qof shabaab ah ama dawladiid ah macnaheedu waxa uu yahay waa isku danbi waana tiirka maha xabsi maxaayeelay hadaan xabsi geeyno oo ku xukuno xabsi daa in saw kolkaa cunto inagama rabo!!Adeer dil weeye xalku shaydaan xabsi ku dhaqalayn maayo cid aad rajo ka qabto aa xabsi la geeystaa. Fiiri ma nihin dad naxariis xun imisa jeer ayaa madax waynaheenu uugu baaqay war walaalayaaloow waxaa tihiin wiilasheenii noo imaada hana laynina waxaan nahay walaalihiin iyo aabayaalkiin iyo hooyooyinkiine hana gumaadina noo kaalaya cafis baa tihiin nabada qaata oo ay dhag jalaq u siin? nabad waa diideen waa cadaw yaab leh!! hadana ninkii isa soo dhiiba waa qaabilaynaa albaabku waa idiin furan yahay. laakiin cidaan isa soo dhiibin hal qof ka reebi mayno aan aragno cidii aan xabadu karayn.

W/Q: Yuusuf Omar
mashruuc5@hotmail.com

Comments are closed.