Wararkii ugu dambeeyay weerar xalay ka dhacay Afgooye

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Bambaano ku bilowday oo xalay fiidkii Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ay ku qaadeen Ciidamo Dowladda Federaalka ka tirsan oo fariisin ku lahaa Agagaarka Buunda-yar ee degmada Afgooye.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iska difaacay weerarkii Shabaabka ay soo qaadeen, maadaama markii horeba ay hayeen xogta la xiriirta weerarka, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Ilaa hadda si dhab ah looma xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay degmada Afgooye, iyada oo ay dib u laabteen raggii weerarka soo qaaday.

Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Afgooye C/risaaq Aadan Cali ayaa sheegay howlgal ay sameeyeen weerarka kadib in ay ku soo qab qabteen rag ay ku tuhmayaan in ay ku lug lahaayeen weerarkii lagu soo qaaday Ciidamada Dowladda.

Wuxuu kaloo sheegay Taliyaha raggan ay soo qabteen in hada ay ku socoto baaris, hadii dambi lagu helana la horgeyn doono sharciga, hadii dambi lagu waayana la sii deyn doono.

Xaalada degmada Afgooye gaar ahaan goobtii uu xalay weerarka ka dhacay ayaa saakay ah mid degan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya Kontoroolka Buunda-yar oo weerarka uu ka dhacay.

Ururka Al-Shabaab, ayaa u muuqdo kuwo kordhiyay weerarada ka dhanka ah Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo weeraradan ay baqdin ku abuureen dadka degaanka.