Tukayaasha na hor boodayaa talagal weeyaan!

0

Asc wr wb Soomaaliweyn.

“Mar ku dage asagaa Allaah dag ah, haduuse mar labaad ku dago adiga ayaa Allaah dag ah”.

Maahmaahdaan oo macneheedu yahay qofkii mar isku dayey in uu ku dilo ee Allaah kaa badbaadshey, markaad ogaatay ka dib hadaadan sida ugu dhaqsaha badan sharci ula tiigsan si aad uga hortagto isku daygiisa danbe adigaa loo har ah, ama adaan ahayn qof indheer garad ah ee ka digtoon cadowgiisa.

Hadaba soomaaliyeey waxaan idin xasuusinayaa burburka nagu dhacay ee dhinac walba naga naafeeyey waxaa sababay daneystayaal soomaali sheeganaya ama ahba ee uu cadowga soomaaliyeed noo adeegsaday.

Kuwa hada xilalka ugu badan ka haya haday noqoto xukuumada, golayaasha kala gedisan iyo maamul goboleedyada Jamhuuriyada Federaal Soomaaliya intooda badan waa isla ayagii, caruurtoodii, kuwo ayaga ka sii liita oo fadlan igu shubo ah.

Waxaana si gabasho la’aan ah u garabtaagan hiil iyo hoo cadowga laftiisii oo la baxay beesha caalamka, Wuxuu cadowga Soomaaliya si joogtaa ugu hiilinaayey inay qabtaan hogaanka Soomaaliya kuwaasi dabadhilifka ah ee gumeystayaasha u adeega heer beeleed, tuulo, degmo, gobol, maamul goboleed iyo federaal dhamaan doorashooyinkii dhacaayey wixii ka danbeeyey dowladii kacaanka hadii laga reebo inyar oo fara kutiris ah oo si lama filaan ah ku soo baxay.

Kuwaasi fara kutiriskaana markay soo shaac baxaan waxaa lagu qaadaa dagaal cirka, dhulka iyo badaba ah si looga hortago saameyntooda meeshana looga saaro ka dib markii la ogaado inay ka duwan yihiin kuwa cadowga u shaqeeya.

Towfiiq malahan qoomkaan Rabbigay tiisa fulineyne

Toobadiyo hanuunkuna qalbiga uma talaabaane

Waana taan falaynaa kurteen tacabka shaydaane

Tayo beele waxa ay qabtaan tabasho mooyaane

Soomaaliyeey toos hurdaad taraf u jiiftaane

Tafaraaruq iyo foolxumaad tumasho moodeene

Ka tashada cadaawiyo dulmaa tay idiin xidhane

Sheekadu tola’ay dhaaftay iyo tooxsi iyo faane

Waxaa taako loosoo jidhaa Duludi Maandeeqe

Tii naga dhaxeysaa warmaha tuug u sidataaye

Tuuliyo magaaliyo miyiba tacadigaan gaarey

Tiiranyada idiin muuqatiyo shacabka taahaaya

Sida loogu taagsana hayiyo turid la’aantooda

Tukayaasha na hor boodayaa talagal weeyaane

Gumeystuhu tabtuu lana rabiyo noqotey tiisiiye

Geesigii turxaan bixi damcaa toogashow u qorane

Faarax Macalin tuu sheegayaa waa tilmaan wacane

Hadaan tiirka qaarkeen lageyn teenu way lumine

Qaran taagan iyo dawladnimo togan si loo gaaro

Ee aan loo turaanturin kolkaan toobiyaha qaadno

Isku tiirso waa miidnimada tay ku badisaaye

Soomaaliyeey toos hurdaad taraf u jiiftaane

Tafaraaruq iyo foolxumaad tumasho moodeene

Fadlan adinkoo ku mahadsan iga gaarsiiya ummadda Soomaaliyeed xasuusintaan gaaban iyo tixdaan qiiradu iga keentey.

W/Q. Sultaan Cabdulcasiis Muxammad Ciisadheer (Shaaciye).