SAWIRRO: Talisyada Ciidan ee Xoogga dalka iyo Howl galka AMISOM oo kulamay

0

Talisyada Ciidamada xoogga dalka iyo AMISOM ayaa shalay ku kulmay Xerada Xalane oo ah Taliska ugu weyn ee Howl galka Nabad ilaalinta AMISOM, waxaana ay ka shireen duulaanka lagu qaadayo Al-Shabaab iyo qorshayaasha kale ee amni ee Soomaaliya.

Saraakiishan ayaa waxaa kala hoggaaminayeen Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen, C/wali Jaamac Gorod iyo Taliyaha AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle, waxaana la isla soo qaaday howl galka dagaal ee la qorsheynayo in dhowaan lagu qaado Shabaab.

Taliyaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Jaamac Gorod oo dhowaan xilkan loo magacaabay ayaa sheegay in dalka uu xaalad adag ku jiro, isagoo ka dalbaday Ciidamada AMISOM in gacan ka siiyaan sidii meelaha Al-Shabaab ka taliyaan looga saari lahaa.

Sidoo kale Taliyaha AMISOM Jen. Subagle ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay ciidamada Soomaaliya ka taageeri doonaan sidii goobaha Al-Shabaab maamulaan looga xoreyn lahaa, isla markaana ammaanka ku wareejin doonaan.

Waxaa uu sheegay in sanadka 2018 oo la qorsheeyay in Ciidamada AMISOM bilaabaan inay ka baxaan Soomaaliya ayuu xusay in xaalada jirta hadii aanay waxba iska bedelin aanay xilligan u bisleyn in dib loo gurto.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqanaya dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waxaa uu tagay dalalka Uganda iyo Itoobiya oo uu kala hadlay madaxdooda, sidii la isaga kaashan lahaa dagaal lagu qaado Al-Shabaab, isla markaana dalalka deriska ay door weyn ka qaataan.

Kaddib caradii ka dhalatay Qaraxii dadka badan ku dhinteen 14-kii bishan ka dhacay Muqdisho, ayaa dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday dagaal ay ku qaadeyso deegaanada Al-Shabaab maamusho, si ay uga xoreyso.

Saraakisha
Saraakisha
Sarakisha1
Sarakisha1