Ciidamada Somaliland oo Heegan Sare la geliyay

0

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in Heegan Sare ay geliyeen Ciidamada Booliska iyo Milatariga Somaliland si ay u Xaqiijiyaan Ammaanka Magaalooyinka waa weyn ee Somaliland oo hadda ay ka socdaan Ololaha Xisbiyada Somaliland.

Wasiir Kuxigeenka Amniga Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo la hadlay Idaacadda BBC ayaa sheegay in Ciidamada Heegan sare la geliyay si ay uga hortagaan wax walba oo Carqalad ku ah Doorashada Somaliland.

11-ka Bisha soo socota ayaa lagu wadaa in Somaliland ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha,waxaana Musharaxiinta ugu Cad-cad ka mida Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadani C/raxmaan Ciro iyo Guddoomiyaha Xisbiga hadda Talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi .