DHAGEYSO:- Madaxweynihii Xilka laga qaaday Xaaf “Maalmahan Galgalad ayaan ku jiraa Hala ii soo Duceeyo”

0

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka hadlayay Madasha Caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa dadkii madasha fadhiyay ka codsaday in ay u duceeyaan maaddaama uu dareemayo culeys sida uu sheegay.

Xaaf ayaa markii uu madashada soo istaagay dadka ka qeybgalaya munaasibaddaas weydiistay in ay ugu duceeyaan in uu culeyska heysta maamulkiisa Ilaahey ka dulqaado.

Sidoo kale waxaa uu codsaday in loogu duceeyo in Maamulka Ahlu Sunna uu qalbigooda Alle u jilciyo kuna biiraan Maamulkiisa Galmudug sida uu madasha ka sheegay.

Xaaf,waxaa uu si la mid ah madaxda dowlad Goboleedyada iyo kuwa dowladda ee madasha ka hadlay ka tacsiyeeyay weerarkii 14kii Bishan ka dhacay magaalada Muqdisho,waxaana uu ku baaqay in la iskaashado.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO