Axmed Madoobe “DF waan ka fognahay Lkn Hirshabeelle Ceel Carfiid ayay u fariisanee hadii ay….”

0

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ka hadlayay Munaasibadda Caleemasaarka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay gaarsiiso gargaarka Xamar la keeno.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Maamul Goboleedyada kale ay ka fogyihiin Muqdisho hayeeshee ay Hirshabeelle tahay Maamulka ugu dhow sidaas darteedna loo baahnyahay in deeqaha ay dowladda dhexe hesho wax ka siiso Maamulka Hirshabeelle.

Axmed Madoobe waxaa uu yiri “Hirshabeelle waxaa ay Muqdisho u jirtaa 90KM haddii deeqaha Beesha Caalamka keento Muqdisho aan iyaga ugu dhow wax laga siinna,Ceel Cirfiid ayaa la isu fariisanayaa”.

Madaxweynaha Jubaland ayaa ku baaqay in dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyadaba ay ka wada qeybqaataan dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo ay dowladda qorsheyneyso.

Waxaa uu ka tacsiyeeyay Weerarkii ay dadka badan ku dhinteen ee 14kii Bisha n ka dhacay magaalada Muqdisho,waxaana uu dowladd augu baaqay in Al-shabaab wadajir la isaga dhiciyo.