WARBIXIN+SAWIRRO : Wasiirka Maaliyadda XFS oo kormeeray xarunta Canshuuraha Garoonka Muqdisho

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa kormeer ku tagay Xarunta Canshuuraha ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho,isgaoo u kuur galiyay howlaha shaqo ee halkaas ka socdo.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa u jeedka socdaalkiisu ahaa si loo xaqiiyo in shaqada Canshuuraha Garoonka ay u socoto habkii lagu balamay.

Wasiir Beyle ayaa mid mid u dul istaagay Goobaha ay shaqadu ka socoto iyo Diyaaradaha Xamuulka keeno oo ay ku jiraan kuwa Khaadka (Jaadka) soo dajiya,si loo hubiyo Agabka laga soo dajiyo Garoonka iyo kuwa ladhoofinayo.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii hanaanka maaliyadeed ee dalka loo hormarin lahaa,iyadoo bilihii u danbeysay ku talaabsatay sara u qaadista dhaqaalaha wadanka.