DHAGEYSO WAREYSI GAAR AH:- Maxamed Xaashi Cabdi oo si kulul uga hadlay colaadaha iyo khilaafka Madaxda Galmudug cida hurineysa.

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ciidamo ka kala tirsan Maamullada Galmudug iyo Puntland saacadihii la soo dhaafay ku dhexmaray duleedka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi oo Wareysi gaar ah siinayay All-Galgaduud Media ayaa ka hadlay dagaallo kasoo cusboonaaday deegaanno ka tirsan Mudug wuxuuna sheegay in wax laga xumaado ay tahay ineysan guuleysan dedaallo nabadeed oo gobolka Mudug ka wadeen, si xal loogu helo colaadaha soo laab laabtay.

Xaashi ayaa sheegay in dedaal badan ay ku bixiyeen sidii loo nabadeyn lahaa dadka reer Miyiga ah oo badanaa isku dhacoodu salka ku hayo biyo iyo dhul daaqsimeed.

Waxa uu ku baaqay in la joojiyo colaadaha kasoo cusboonaaday gobolka Mudug, isaga oo tilmaamay in dagaalka lagu bedalo wadahadal.

“Waa wax aa iyo aad looga naxo dagaalladan cusboonaaday, dadku waa uu wada degaa, meeshu markii hore abaar bay ahayd, roob baa da’ay sidaas ayaana la isku qabtay, annaga dedaal baan ku bixinnay marar badan sidii dadkaan nabad ku heli lahaayeen annaga waxaan ka shaqeyneynaa sidii loo heli lahaa nabad” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo ka hadlay khilaafka ka dhaxeeya madaxda maamulkaasi ayaa sheegay in kaliya la isku haysto arrimo siyaasadeed, balse aanay ahayn waxa la isku hayo arrimo qabiil iyo wax lamid ah.

wareysiga Madaxweyne ku xigenka Wuxuu kaga Hadlayaa Madasha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ee lagu dhisay Kismaayo iyo eedeynta joogtada ah ee ay u jeedinayaan Dowladda Fedraalka ah,

Ugu Danbeyna wuxuu Ugu Baaqay Madaxweynaha Puntland iyo Jubbaland iney faraha kala boxo arimaha Siyaasadeed ee Galmudug oo uu sheegay inuu mudooyinkii danbe ka hadlayeen,

DHAGEYSO WAREYSI MADAXWEYNE KU XIGEENKA  :