TOP DHAGEYSO:- Madaxweyne Shariif Xasan oo ku baaqay in laga wada shaqeeyo ammaanka

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sugida ammaanka degaanada Koonfur Galbeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Maamulkiisa uu hormar ku talaabsaday islamarkaana ay sii dardar gelin doonaan ammaanka, isaga oo sidoo kale tilmaamay in Ciidamada looga baahan yahay in ay xoojiyaan howlgalada lagu xaqiijinayo ammaanka degaanada Maamulka Koofur galbeed.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa xusay in Ciidanka AMISOM marka ay ka baxaan Soomaaliya lagama maarmaan ay tahay in Ciidamada dowladda la tayeeyo si ay isugu filnaadaan.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa hoostagga Maamul ahaan gobolda Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, waxaana Saddexda gobol degaano ka mid ah gacanta ku haya Al-Shabaab.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hadalkaan ka sheegay kadib markii uu shalay si rasmi ah u furay Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO