TOOS U DAAWO:- Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka socota Jowhar

0

Magaalada Jowhar waxaa hada ka socota Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, iyadoo khudbado ay jeedinayaan Masuuliyiinta lagu casuumay Munaasabada.

Hoolka ay xaflada ka socota waxaa goobjoog ka ah Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Wasiiro, Guddoonka Aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdulahi, Xildhibaano, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo Marti sharaf kale.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo Munaasabada, iyadoo sidoo kale Wasiirada iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Marti sharafta kale ay khudbado ka jeedin doonaan.

Amaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo lagu arkayo gudaha iyo daafaha magaalada ciidamo aad u sugaya amaanka, iyadoo shacabka Magaalada Jowhar ay qeyb ka qaadanayaan soo dhaweynta wafuuda kala duwan.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO